Marehan Kismayo businessmen"“Wixii shalay Muqdisho ka dhacay
Posted: Sat Nov 10, 2007 11:55 am
Ganacsatada Kismaayo: “Wixii shalay Muqdisho ka dhacay waxay ahaayeen xasuuq
Saturday, November 10 @ 05:55:03 PST
Magaalada Kismaayo Qaar kamid ah ganacsadata magaalada Kismaayo ayaa maana si kulul uga hadlay dagaaladdii iyo duqeyntii lixaadka laheyd ee shalay ciidamada Ethiopia ka geysteen caasimadda Somalia ee Muqdisho oo dadki ugu tirada badnaa ay ku geeriyoodeen muddo toddobaayo ah, ganacsatada ayaa arrintii shalay dhacday ku tilmaamay xasuuq shacbiga Soomaaliyeed ee daalaa dhacaya ay kula kaceen sida ay yiraahdeen xasuuq kii ugu xumee ee ka dhaca Muqdisho.
Ganacsatada ayaa sheegay in aad uga xun yihiin duqeyntii shalay dhacday, islamarkaana ay k asoo horjeedaan fal kasta oo ka dhan ah bulshada Soomaaliyeed, waxayn aku eedeeyeen ciidamada Ethiopia inay Muqdisho ka wadaan falal ay ugu yeereen aargoosi aa loo aaba yeelin.
Bashiir Cabdi Aadan oo kamid ah ganacsatada magaalada Kismaayo ayaa sheegay inay ganacsato ahaa ka soo horjeedaan hubkii cuscuslaa ee shalay lagu garaacay qeyba badan oo magaalada Muqdisho ah “Waxaan ugu horeyn tacsi u dirayaa eheladdii dadkii shalay ay dhibaatadu ka soo gaartay garaaciddii Muqdisho, waxaana halkaasi run ahaantii ka dhacay xasuuq ballaaran, waxaana leenahay intii geeriyootay Allaha u naxariiste” ayuu yiri Bashiir Cabdi Aadan oo kamid ah ganacsatada sida aadka ah looga yaqaana Kismaayo oo bulshada Soomaaliyeed meelkaata oo ay joogaan ugu baaqay inay gacmaha is qabsadaa, kana hortagaan cadowga sida uu hadalka u dhigaye ganacsade Bashiir Cabdi Aadan.
Magaalada Muqdisho ayaa jimcihii shalay ahaa ciidamada Ethiopia oo careysan waxay ku garaaceen qoryaha kaarayaasha, BM-ka iyo Lidka diyaadaha, taasoo sababatay in muddo afar iyo labaatan saac ay geeriyoodeen inka badan 70 qof, halka tira intaasi ka badan ay ku dhaawacmeen, iyadoo kumaamkum qoysas ahna ay isaga carareen caasimadda, mana muuqata tallaabo ilaa iyo iminka lagu joojinayo dagaalada iyo rabshada Muqdisho kasii xoogeysanaya.
Maxamed Xaashi Tawakal, Gedoweb Kismaayo.
http://gedoweb.com/index/modules.php?na ... le&sid=456