Page 1 of 1

Ciidamada Itoobiya admit they killed shacabka

Posted: Mon Nov 12, 2007 10:49 am
by Hiiraan boy
Ciidamada Itoobiya oo markii ugu horeysay qirtay leynta shacabka Muqdisho Balana ku qaaday in la soo qaban doono kuwii ka danbeyey
Muqdisho
Ciidamada Gumeysiga cusub ee Itoobiya ayaa markii ugu horeysay qirtay in qaar kamid ah shacabka lagu xasuuqay deegaanka Warshada Basaatada ay fuliyeen ciidamo ka tirsan ciidanka xooga ku qabsaday Soomaaliya ee Itoobiya.


Ciidamada Gumeysiga Itoobiya ayaa balan qaaday in furayaan wadooyinka dadka deegaankana ka codsaday in ay dib ugu soo laabtaan guryahooda mardanbana aysan dhici doonin xasuuq noocaan oo kale waana markii ugu horeysay oo ay qirtaan ciidamada gumeysiga Itoobiya in ay geysteen dil bareer ah cida geysatayna la soo qaban doono.

Meydadkii ayaa wali laga gurayaa iyadoona jidka dheer ee Warshadaha ay hadda bilaabeen Baabuur teel teel ah iyadoona dadka deegaanka ay hadalkaasi si taxadir leh u soo dhaweyeen

Xafiiska wararka ee Muqdisho
dayniilecom@hotmail.com