Page 1 of 1

Ciidamada ammaanka Kismaayo oo bilaabay howlgallo hub ururin

Posted: Tue Nov 13, 2007 1:54 pm
by Alta Vista [Bot2]
Howlgalladan ay maanta bilaabeen ciidamada ammaanka ee magaalda Kismaayo oo wata gaadiidkooda dagaalka ee Technic-da loo yaqaano ayaa waxaa ay ku ururinyaan hubka fara badan ee magaalada ay la dhexmaraan maleeshiyooyinka, iyadoo howlgallada sidoo kale lagu sheegay inay yihiin kuwa lagu sugaya ammaanka magaalada Kismaayo ak hor 15ka bihan November oo loo ballansan yahay in la qabta shirka nabadeynta beelaha Sade iyo Kablalax.



Madaxa xafiiska ciidamada magaalada Kismaayo, ahna afhayeenka ciidanka C/risaaq Aadan Faarax (Suufi) oo maanta u waramayey saxaafadda ayaa sheegay in howlgalladii ay saaka qaadeen ay ku soo qabteen tiro hub ah, inkastoo uusan carabaabin cadadkooda, isagoo ku nuux-nuuxsaday in howlgallada lagu bartilmaameedsanaya dadka hubka ku dhex sito gudaha magaalada, wuxuu taliyaha tibaaxay in ciddii ciidamada amniga ay ka qaadeen hub aanan loo celin doonin "Haddii ciidamada ammaanka ay gacanta ku dhigaan qori si sharci darro ah loo wata looma celinaya shaqsigii lahaa, waxaana heynaya hubkaasi guddi qaabilsan difaaca" ayuu hadalkiisa raaciyey afhayeenka ciidamada Kismaayo C/risaaq Aadan Faarax (Suufi).

Waxaa uu kaga digay ciidamada ku sugan dekedda caalamiga ah ee Kismaayo, xerada Congo iyo xeryaha kale ee ciidamada in ay hubkooda dibadda ula soo baxaan, wuxuuna ugu baaqay in ay ku sugnaadaan xeyahooda, aanan la aqbali doonin cid ciidamada ammaanka ka baxsan oo hub ku dhex wadata gudaha magaalada Kismaayo.

Howlagalladan aad ku ballaaran ee ay maanta qaadeen ciidamada ammaanka ayaa ku soo beegmaya xilli labadii habbeen ee u danbeysay ciidamada Police-ka ay wadooyinka waaweyn ee magaalada Kismaayo ka wadeen roondooyin xiriir ah oo lagu sheegay kuwa ammaanka lagula soconaya, waxaase muuqata in ciidamada nabadgelyada iyo kuwa Police-kuba ay haatan u soo jeesteen adkeyta iyo dardargelinta howlaha ammaanka ee Kismaayo oo waayadan xasiloonaa.

Maxamed Xaashi Tawakal, Gedoweb Kismaayo.

Re: Ciidamada ammaanka Kismaayo oo bilaabay howlgallo hub ururin

Posted: Tue Nov 13, 2007 2:15 pm
by Voltage
[quote="CoolPoison"] lagu sugaya ammaanka magaalada Kismaayo ak hor 15ka bihan November oo loo ballansan yahay in la qabta shirka nabadeynta beelaha Sade iyo Kablalax.
[/quote]

Sade iyo Kablalax baa la heshiisiin so maaha? Haku heshiiyaan in xabashida dhankayaga aanu ka weerarno Surprised

Re: Ciidamada ammaanka Kismaayo oo bilaabay howlgallo hub ururin

Posted: Tue Nov 13, 2007 4:00 pm
by Luq_Ganane
Kismayo should be searched house to house and disarmed.