Shirkii nabadeynta beelaha Sade iyo Kablalax oo markale dib loo dhigay
Posted by Tawakal
Wednesday, November 14 @ 06:12:56 PST
Maalin qura oo ay ka harsan tahay shirkii nabadeynta beelaha Sade iyo Kablalax oo la filayey in 15ka bishan November uu ka dhaca magaalada Kismaayo ayaa maanta gudaha magaalada Kismaayo waxay ka shaaciyeen guddiga qabanqaabada shirka nabadeynta beelaha in markale dib loo dhigay muddo aan la cayimin, hase yeeshee la sheegay in la qabanaya sida ugu suurtagsan.
Xareed Cali Dur-Dur oo ah guddoomiyaha guddiga qabanqaabada shirka nabadeynta beelaha Sade iyo Kablalax ayaa u sheegay wariyayaasha in dib loo dhigay shirkaasi sababo uu ku sheegay magacaabis la’aanta xukuumadda oo ilaa iyo iminka aan la magaacabin, maadaamaa buu yiri dowladda iyadu ay garwaden ka tahay qabsoomida kulanka nabadeed ee labada beelood, isalamarkaana ay ka soo jeedisay fekirka ah in la qabta shir lagu heshisiinaya beelaha Sade iyo Kablalax oo ciidamo taabacsan ay horaantii sanadkan.
Guddoomiyaha guddiga abaabulka shirka ayaa intaasi ku daray in shirka la qaban doona xlliga uu habboon oo ay fududaadaan waxyaabaha looga baahan yahay qabsoomidiisa, wxuuna hoosta ka xariiqay Mr Dur-Dur in aysan iyagu ka raja go’ ayn dib u dhac kuyimid shirka nabadeynta beelaha Kablalax iyo Sade.
Horay 27- kii bishii October ayaa shirkaasi dib loo dhigay xilligaasoo dib u dhaciisa lagu sheegay arrimo la xiriiray khilaafkii u dhexeeyey mas’uliyiinnta sa sare ee dowladda iyo dhaqaale la’aan, waxaana hadda muuqanaya in shirka dib u heshiisiinta beelaha uu ku jira caga jiid iyo is xil qaam la’aan, dad badan oo Jubbooyinka ku dhaqan, kuwaasoo ka war dhowrayey qabsoomida shirka markii ay maqleen dibuu u dhacay waxay dareen in aysan macquul ahey in markale la qabto.
Maxamed Xaashi Tawakal, Gedoweb Kismaayo.
Shirkii nabadeynta beelaha Sade iyo Kablalax oo markale dib
Moderators: Moderators, Junior Moderators
Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
-
- SomaliNetizen
- Posts: 497
- Joined: Mon Apr 30, 2001 7:00 pm
- Location: Carriga Ingiriisiga
-
- SomaliNet Super
- Posts: 20702
- Joined: Wed Jun 28, 2006 9:39 am
Re: Shirkii nabadeynta beelaha Sade iyo Kablalax oo markale dib
Ilkoyar should apply Zero tolerance on Kablalax 

-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 0 Replies
- 271 Views
-
Last post by Hiiraan boy
-
- 0 Replies
- 344 Views
-
Last post by DawladSade
-
- 1 Replies
- 310 Views
-
Last post by Hiiraan boy
-
- 1 Replies
- 375 Views
-
Last post by S-D-M
-
- 5 Replies
- 461 Views
-
Last post by FBISOMALIA
-
- 43 Replies
- 2107 Views
-
Last post by daiman
-
- 1 Replies
- 17 Views
-
Last post by Somaliweyn