Gudoomiye Ku Xigeenkii Gobolka Cayn & taliyihii Qaybta booli
Posted: Fri Nov 16, 2007 3:23 pm
Gudoomiye Ku Xigeenkii Gobolka Cayn & taliyihii Qaybta booliska oo Somaliland u Galay .
Warkii 16-Nov-2007 iyo Qormadii: Afnugaal News Desk.
Gudoomiye ku xigeenkii Gobolka cayn jaamac ismaaciil dhible (J. yare) & taliyihii qaybta Booliska ee isla gobolka Kornayl Axmed maxamed Xaaji cabdi (Indho case) ayaa u galay Somaliland, waxaana ay maanta gaadheen magaalada Burco, lamina oga sababta keentay in xilligan ay labadaasi mas’uul ay ka goostaan maamulka puntland una galaan dhinaca Somaliland, halka sidoo kale aanay cadayn cidda dhabta ah ee ka shaqaysay arintani dhamaystirkeeda.
Labadan sarkaal oo kaxaystay gaadhigii taliyaha qaybta booliska oo gaadhi dawladeed ahaa ayaa ka ambabaxay Buuhoodle goor hore oo saaka ah iyadoo ay weheliyaan dad aan badnayn oo isugu jira odayaal, askar & shaqsiyaad caadi ah.
Illaa hadda ma jirto wax warbixin ah oo ka soo baxay maamulada Somaliland & puntland oo ku aaddan mas’uuliyiintaas hore uga tirsanaa puntland hadana u galay Somaliland
xigasho:Buuhoodlemedia.com