finally...these TFG MPs will face war crimes

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
revolter
Posts: 200
Joined: Wed Nov 14, 2007 8:16 am

finally...these TFG MPs will face war crimes

Post by revolter »

Xubnaha ku jira dowladda ee haysta baasaboorada Yurub oo qaarkood dacwado xusuuq ah lagu soo oogay(Darwiish & Gacmodheere oo ku jira)

Dadka Soomaaliyeed ee ku sugan dalalka Yurub & Waqooyiga Ameerika qaarkood eheladooda xusuuq & barokac loogu geystay dalka Soomaaliya, gaar ahaan magaalada Muqdisho ayaa billaabay in ay dacwado ka dhan ah qaar ka tirsan xubnaha dowladda ee ku lugta leh xusuuqaasi geeyey maxkamadaha ku yaala dalalka ay baasaboorada ka haystaan qaar ka mid ah shaqsiyaadka xusuuqaasi ku lugta leh.

Xubnaha lagu eedeeyey in xusuuqyada Muqdisho ay door weyn ka ciyaareen ee gal dacwadeedkooda la gudbiyey ayaa waxaa kam id ah taliyaha ciidanka Nabadsugida Maxamed Warsame Darwiish & wasiirka arrimaha gudaha Maxuud Maxed Guuleed (Gacamadheere) oo labadooduba haysta baasaboorka Yurub, waxaana lagu eedeeynayaa in ay wax ka meleegeen shirqooladii lagu xusuuqay dad rayid ah oo aan waxba galabsan, iyadoo Darwiish uu ka danbeeyey dilal loo geystay dad isugu saraakiil ka tirsaneyd ciidamadii milateriga & shaqsiyaad isugu jira ganacsato, culumaaúdiin & aqoonyahano.

"Waxaa u gudbinay maxkamad ku taala magaalada London dacwooyin ka dhan ah Darwiish & Gacmodheere, waxaan ku wargelineynaa dhammaan dadka Soomaaliyeed ee eheladooda la xusuuqay in ay dacwado ku soo ogaan kuwo dowladda ku jira ee xusuuqa shacabka ka qeybqaadanaya mana dhici doontaa in kuwaasi laga saamaxo dunuubtaas" ayey tiri Saciido Maxed Diiriye oo ka mid ah Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Ingiriiska, gaar ahaan magaalada London.
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”