AXMED CABDI XAABSADE VISIT HARGESA AFTER 10 YEARS
Posted: Mon Nov 19, 2007 12:40 pm
Madaxweyne JSL Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Siyaasiga Weyn Ee Axmed Xaabsade Oo 10 Kadib Hargeysa Yimi
Written by Faysal Cabdilaahi
Monday, 19 November 2007
Hargeysa(Hormoodnews)-Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane Daahir Rayaale Kaahin, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay siyaasiga weyn ee Axmed Cabdi Xaabsade, oo ka soo jeeda gobolka Sool, oo maanta si diiran loogu soo dhaweeyay magaalada Hargeysa.
Wasiirka wasaarada Hawlaha Guud iyo Gaadiidka Md Siciid Sulub Maxamed,oo ay xubno ka ahaayeen Wasiirka Boosaha iyo Isgaadhsiinta Md Liibaan Ducaale
Casayr,Wasiirul-dawlaha waxbarashada Md Maxamed Maxamuud Garaad,Wasiir kuxigeenka Qorshaynta Md Axmed Xaashi Cabdi,iyo xildhibaano ka tirsan golayaasha guurtida iyo wakiilada oo ka soo jeeda gobolka sool,oo maanta ku soo laabtay magaalada Hargeysa, iyadoo ay meel u dhaxaysa tuulooyinka diin-qal iyo haleeya ay kaga hortageen Wasiirada Arrimaha Dibada, Cadaalada, Ganacsiga, Macdanta iyo Biyaha, Warfaafinta, masuuliyiin ka tirsan xukuumada.
Xaabsade, oo hadal kooban oo mahad-naq ah jeediyay, ayaa waxa uu yidhi“Waxa kale, oo aan u mahad naqayaa masuuliyiintii halkan igu soo dhawaysay,waxa aan leeyahay waxa aan imid gurigaygii”.
Siyaasigan.oo muddo hada laga joogo toban sano gudoomiyaha golaha wakiilada, ka ahaa Somaliland,ka dibna ka noqday mowqifkiisii Somaliland, una wareegay dhinaca maamulka Puntland oo uu xilal kala gedisan ka qabtay,taasi oo ay ugu dambaysay Wasiirkii Arrimaha gudaha ee dawlad goboleedkaasi.
Faysal Cabdilaahi.
Hargeysa-Hormoodnews.
http://hormoodnews.com/index.php?option ... 26&lang=en