Page 1 of 1

XAABSADE BE THE NEXT HEAD OF GOLAHA GUURTIDA

Posted: Tue Nov 20, 2007 4:56 pm
by The_Emperior5
War degdeg ah: Axmed Cabdi Xaabsade oo lagu wado In uu Noqdo Guddoomiyaha Guurtida.

Axmed Cabdi Xaabsade oo ah siyaasi ruug cadaaya oo ka mid ah siyaasiyiinta reer Sool, sidoo kale ah ninka ay gacantiisa Laascaanood ugu soo noqotay Somaliland ayaa shalay soo gaadhay Hargeysa.

Axmed Cabdi Xaabsade iyo xukuumada Somaliland ee Daahir Rayaale Kaahin iyo masuuliyiin kale oo Madaxweynaha Rayaale ka mid yahay, ayaa shirar goos goos ah ku yeeshay meelo badan oo ka mid ah Hargeysa, waxaana ka mid ah guriga madaxtooyada Somaliland.

Illaa hadda waxaa soo baxaya warar sheegaya in xilka Guddoomiyaha Guurtida loo dhiibayo Axmed Cabdi Xaabsade, xilkaas waxaa haya hadda guddoomiyaha Guurtida oo ah Saleebaan Gaal, wuxuuna xilligan ku sugan yahay dalka Ingiriiska oo hawlo caafimaad uu u joogo.

Wadada uu ku gelayo Gollaha Guurtida Axmed Cabdi Xaabsade ayaa ah, mid laga soo dheegtay qaabkii uu ku yimi xilka Saleebaan Gaal, waxaana la sheegaya in xilka loo dhiibayo xildhibaanka ka baxaya jagada laysla meel dhigay, oo aanu sidii xildhibaankii uga baxay Saleebaan lagu siidaynayn suuqa.

Xildhibaanka uga baxaya Axmed cabdi xaabse ayaa ah, sida waraku sheegayaan, xildhibaanka qudha ee kaga jira beesha Baharsame Gollaha Guurtida. Illaa hadda wararkaasi waa kuwo soo shaacbaxaya saacadba saacada ka danbaysa, wixii ka soo kordhana waa idinla wadaagi doonaa.

kala soco wararka deg deg ah Somaliland future Online.

Somalilandfuture Online

Posted by SomaliLand Future on 11/20 at 09:04 PM



IT SEEMS THAT DAAHIR RAYAALE IS PLAYNG DIRTY CAMES HE WANTS SELEBAAN TO BE HIS SECONDMAN SO HE CAN HAVE HABARJECLO VOTES AND SAMAROON VOTES

BOSKA WAXA KA BAAXAYSA CIISE MUSE UU HALKAAS AAH MARKAAS

Re: XAABSADE BE THE NEXT HEAD OF GOLAHA GUURTIDA

Posted: Tue Nov 20, 2007 5:00 pm
by Executive
Warya Riyaale iyo Xaabsade wa labo Faqash Laughing

Re: XAABSADE BE THE NEXT HEAD OF GOLAHA GUURTIDA

Posted: Tue Nov 20, 2007 5:00 pm
by The_Emperior5
INA RAYAALE WA MADAXWEYNAHA QARRANKA

AND XAABSADE NA WA SOMALILANDER ASSAL AAH Laughing