Petty Arab politics...but kudos to Egypt
Posted: Wed Nov 21, 2007 3:31 am
Even thou, their desires benefit them; Egypt does not want to see a stronger Ethiopia since the control of the nile is a dilemma between them, and Yemen thinks it can get good buisness and resources by supporting Ethiopia and its TFG ally. Nevertheless, kudos to Egypt.
-----------------------------------------------------------------------------------------------
Qaahira(AllPuntland)- Dowladaha Masar iyo Yemen ayaa waqtigan waxaa soo kala dhexgalay khilaafka dhinaca fikirkaa oo ku aadan arimaha Soomaaliya.
Madaxweynaha dalka Yemen Cali Cabdalla Saalax oo dhawaan booqday dalkaasi Masar ayaa kala hadlay dhigiisa dalkaasi Masar arimaha Soomaaliya ,gaar ahaan sidii loo taageeri lahaa dowlada Faderaalka ee Soomaaliya.
Saxaafada labadan dal ayaa soo qorey in Madaxweynaha Masar Maxamed Xusni Mubaarak uu sheegay in deg deg Soomaaliya looga saaro ciidamada dowlada Itoobiya ,inkastoo taasi uu ka biyo diiday Madaxweynaha Yemen.
Madaxweynaha Yemen ayaa sheegay in ciidanka Itoobiya ay taageereen dowlada Caalamku aqoonsan yahay ee Soomaaliya ,ayna mudan tahay mahad celin ,isagoo carabka ku dhuftey ciidanka Itoobiya ay Soomaaliya ka qabteen waxyaabo la taaban karo oo dhinaca Nabadgalyada.
Wasiirada arimo dibadeedyada labada dal ayaa sidoo kale is weydaarsaday hadalo kulul oo ku wajahan arimaha Soomaaliya ,ayadoo wasiirka arimaha dibada Masar canbaareeyey ciidanka Itoobiya oo uu sheegay in ay geystaan falalka dhan ah Xuquuqda Aadanaha waa sida uu hadal udhigaye,balse taasi waxaa diiday kuna tilmaamay mid layska yiri wasiirka arimaha dibada ee dalkaasi Yemen.
Is afgaran waaga soo kala dhexgalay labadan dowladooda ayaa gaarey meeshii ugu sareysay ,ayadoo Madaxweynaha Yemen Cali Cabdalla Saalax sheegay in ay Masar dooneyso sii socoshada dagaalada Soomaaliya .
Waa markii ugu horeysay oo dowlado Muslim ah isku khilaafaan arimaha Soomaaliya ,gaar ahaan xal uraadinta arimaha Soomaaliya ayadoo dowlada Yemen ku guuleystay qabashada wada hadalo Taariikh-ahaa oo ay dhex dhigtey heshiisna lugu gaarey Gudoomiyihii hore ee baarlamaanka Soomaaliya & Madaxweynaha Soomaaliya.
Faarax C/qaadir Geylan
AllPuntland