Waxaan rabaa in ummadda Soomaliyeed meel kasta oo ay joogto haday noqon laheyd gudaha dalka iyo dibadaba in aan u iftiimiyo in hayadaha Qaramada Midoobay, kuwa kale ee Caalamiga ah in ay yihiin Hogaamiyo kooxeedyada dalka ka jira.
Tusaale waxaan u soo qaadanayaa Hayada UNICEF, qeybteeda quudinta Caruurta ee ka yar amaba ka hooseya shan jir in ay u qeybiyeen Boorash magaciisa la yiraah UNIMAX, laguna sameeyey dalka Kenya culeyskiisana dhan yahay 10kg(Toban kilo-garam) lagu quudin jiray ilmaha dadoodu ka yar tahay shan sano laga bilaabo ilaa 2005tii ilaa sanadkan oo dhan.
Hadaba aqristayaal waxaa la soo cadeeyey in Boorashkaas UNIMAX ay ku badan tahay sunta loo yaqaan (AFLOTOXIN) taas oo keenta in ilmaha cuna Boorashkaas sumaysan in ay ka qaadan Cudurada kala ah Kansar (Cancer) iyo in uu beerka caruurtaas cuntay Boorashka baabiiyo. Hadaba Aqristow waxaan idin soo gudbinaya oo kale in Hayada ka shaqeysa Gobolka Bakool, gaar ahaan Degmada Waajid ee la yiraah ACF ee saldhigeedu yahay dalka Faransiiska ayaa waxaa oga yimid cabasho badan dadka deeganka, taas oo caruurtu ay u dhinteen qaarna ay la soo dhaceen shuban biyood ayaa waxaa ay sameysay hayadani in ay baarto Boorashkan la yiraah Unimax waxaana ay ogaadeen in uu ku badan yahay sunta loo yaqaan AFLOTOXIN in uu aad ugu badan yahay.
waxay isla markiiiba ogaysiisay Hayada UNICEF in Boorashka ay u keentay hayadaasi uu aad suntaas AFLOTOXIN ay aad ugu badan tahay isla markkiba Hayada UNICEF ayadoo rabta in ay Qariso arrintaas ayey ayadana sameysay baaritaan waana ogatay in ay jirto in Boorashkaas UNIMAX ay aad ugu badan tahay Sunta AFLOTOXIN. Hadaba waxaa ay amartay in la soo uruuriyo boorashkaas dhamaan gobolada dalka ay ku kala qeybiyen hayadaha maxaliga ah ee la ah (partners)-UNICEF.
waxayna ku amartay in ay u keenayso Buskutka loo yaqaan BP5, isla markaana ay baabuurta keentay BP5 lagu soo celiyo Boorashkaas oo la rabo in lagu gubo Gobolka Shabeelada Dhexe gaar ahaan Degmada Jowhar. Hadaba Dhamaan Umadda Soomaliyeed ee Aqrisaneysa maqaalkan waxaan u sheegaya in hayadani ay ku xadgudubtay Xuquuqda Aadanaha ee dalka Soomaliya,waayo imisa
ilmood oo muwaadiniin Soomaliyeed ayey xasuuqeen?, iyaga oo siiyey Boorashkaan Unimax ee lagu soo sameeyey Dalka Kenya. Yaa la xisaabtamaya Hayadan u keentay Boorashkan Sunta ah? INAA LILAAHI WA?INAAILEYHI RAAJUCUUN.
Xildhibaan: Sharma'arke Maxamed Xaashi Gaani MP
MA BAABI?IN BAA MISE NAFAQEYN: BY SHARMARKE M H GAANI-MP
Moderators: Moderators, Junior Moderators
-
- SomaliNetizen
- Posts: 497
- Joined: Mon Apr 30, 2001 7:00 pm
- Location: Carriga Ingiriisiga
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 101 Replies
- 6253 Views
-
Last post by Luq_Ganane
-
- 1 Replies
- 603 Views
-
Last post by BaasAbuur
-
- 7 Replies
- 1063 Views
-
Last post by The_Emperior5
-
- 0 Replies
- 255 Views
-
Last post by CoolPoisons
-
- 11 Replies
- 913 Views
-
Last post by Awe
-
- 4 Replies
- 333 Views
-
Last post by paidmonk
-
- 13 Replies
- 1068 Views
-
Last post by Somalian_Boqor
-
- 1 Replies
- 289 Views
-
Last post by Macow236