Governor Taano cleans house.
Posted: Thu Nov 22, 2007 10:40 pm
Gudoomiyaha Guddiga Siyaasadda G/Jubbooyinka Oo Ka Hadlay Hawgal Burcad Sifayn Ah Oo Ay Sameeyeen Ciidamada Ammaanka Ee G/Jubbada hoose
Nov 22,2007
by Kismaayo-GEDO-NN
Hawgalkaan ay sameeyeen ciidanka nabadgalyada magaalada oo gacan ka helaya cutubyo ka tirsan Guutada sadexaad ee ciidanka xoogga dalka soomaaliyeed ee ku sugan magaalada kismaayo ayaa 24kii saac ee ugu dambeeyay waxa ay ciidamadu ku xaaqeen ilaa dhawr iyo labaatan jidgooyo oo bucad hubaysani dhigteen inta u dhaxaysa magaalooyinka kismaayo iyo Jilib ee Gobollada J/hooe iyo J/dhexe.
Intii hawgalku socday ayay ciidamadu waxa ay xabsiga soo dhigeen in ku dhaw labaatan xubnood oo kamid ah kooxihii burcadda ahaa ee jidgooyooyinka ay u yaaleen ayagoo sidoo kalena kula wareegay ilaaa shan iyo toban qori oo nooca AK47 ah kuwaasoo ay saraakiisha ciidamadu sheegeen in ay ka soo qaadeen kooxahaan xiran iyo kuwa kale oo fakaday waxa ayna intaasi ku dareen in ay jiraan xubno aan wali la qaban oo ay sheegeen in ay ku lug lahaayeen amaan darada baryahaan ka jirtay wadadaas dheer ee laamiga ah.
Kooxahaan ay jid gooyooyinka u yaaleen deegaanadaas ayaa waxa ay dadka wadadaas kusafro ugaysan jireen xanibaado iyo dhibaatooyin kale oo ay ka mid tahay aygoo mararka qaarna halkaasi dil ugu gaysta dadka musaafurka ah ee wadada ku safrayo ayadoo dilkii ugu dambeeyay maalintii Talaadada ahayd halkaasi loogu gaystay nin ganacsade ahaa oolagu magaccabi jiray Axmed caydiid. Waxaana arintaas cabashooyin is daba joog ah ka muujinayay wadayaasha gaadiidka iyo ganacsatada wadadaasi isticmaasha.
Hawgaladaan ayaa wa ay ku soo beegmayaan shan maaalmood kadib markii uu Gudoomiyaha cusub ee Guddiga siyaasadda ee G/J/hoose Dr. C/risaaq Faarax Cali (Taano) uu ku sheegay hadal gaaban uu ka sheegay xafladii caleema saarkiisa in Hawsha ugu horaysa ee wax ka ka qanadoono ay tahay arrimaha nabadgalyada.
Dhanka kalena, Dr. C/risaaq Faarax Cali (Taano) oo maanta u waramayay Gedonet ayaa sheegay in wixii ka bilowdo maalinta Sabtida ee 24ta bishan ay magaalada ka billaabanayaan shirara dib u heshiisiin ah oo ka samaynayaaan beelaha dega gobollada jubbooyinka.
xasan xareed axmed-GEDO-NN-Kismaayo