Muqdisho(AllPuntland)- Wafdi ka socda Dowladda Fedaraalka Itoobiya oo maalmahaan booqasho ku joogay Magaalada Muqdisho ayaa shalay ka qayb galay xaflad ballaaran oo ka dhacday xarunta shirkii dibuheshiisiinta ee gaadiidka booliska, taas oo uu soo qaban qaabiyey maamulka Gobolka Banaadir.
Xafladdaan ayaa waxaa ugu horreynttiba ka hadlay Atto Gabre oo ka socday xukuumadda Itoobiya, kaas oo sheegay in xukuumaddiisu ay tahay mid u taagan inay gacan qabato dowladda Fedaraalka Soomaaliya.
Atto Gabre wuxuu sheegay in lagama maarmaan ay tahay in la xusuusto geesiyaashii ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya iyo kuwa Itoobiya ee naftooda ku waayey halgankii lagu taageerayey xukuumadda Soomaaliya iyo dadaalkii ay ku soo gaartay Magaalada Muqdisho, waxaana muddo daqiiqad ah loo istaagay geesiyaashaas.
Wuxuu kale oo uu sheegay Atto Gabre in ay askarta Itoobiya ka go’an tahay inay la dagaallaan kooxda Al Shabaab, kuwaas oo uu ku tilmaamay inay yihiin kuwo caqabad ku ah nabadda Soomaaliya iyo tan Gobolkaba. “Waxaan diyaar u nahay inaysan mar dambe soo noqon kooxda Al Shabaab, waxaana diyaar u nahay inaan hawshaas ku bixinno wax kasta xitaa nafteenna qaaliga ah” ayuu yiri Atto Gabre oo intaas raaciyey in Soomaaliya iyo Itoobiya ay yihiin laba dal oo walaalo ah.
Sarkaalkaan wuxuu isla manta abaalmarinno qiimo leh guddoonsiiyey Odayaal ka socday beelaha Soomaaliyeed, kuwaas oo kaalin weyn ku lahaa hannaanka geeddi socodka nabadeed ee Soomaaliya. Sidoo kale waxaa abaalmarinnadaas la siiyey Guddiga nabadgelyada qaranka, gobolka Banaadir, haweenka, safaaradda Itoobiya ku leedahay Soomaaliya, safaaradda Yeman ee Soomaaliya iyo qaar kale.
Waxaa kale oo isagana halkaas ka hadlay Col. Gejon oo ka socday wasaaradda gaashaandhigga Itoobiya, Atto Asper Agaza, iyo madax kale oo ka kala socotay guddiga nabadgelyada qaranka iyo Gobolka Banaadir.
Muddadii ay socotay xafladdaas ayaa waxaa halkaas muusik Soomaali ah ku soo bandhigay kooxda baandeyda dalka Itoobiya iyo tan Soomaaliya, waxaa kale oo halkaas heeso xiiso leh ku soo bandhigay kooxda Heegan ee ciidanka booliska Soomaaliyeed.
Barnaamijkaan ayaa waxaa ka soo qayb galay ku xigeennada Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ee dhinacyada siyaasadda Cabdullaahi Xasan Ganay Firimbi, arrimaha bulshada Maxamed Cusmaan Cali Dhagaxtuur, Nabadgelyada Cabdifataax Ibraahim Maxamed Shaaweey, Hawlaha Guud Cumar Aweys Nuur Dacas, dibuheshiisiinta Cabdi Xaashi, Agaasimayaasha waaxyaha kala duwan ee maamulka Gobolka, Guddoomiyayaasha 16-ka degmo ee Gobolka Banaadir, ciidanka booliska, qaybaha ururrada bulshada iyo kuwo kale.
Cali Muxiyaddiin Cali
AllPuntland, Muqdisho
Maantana ma tan ayey la yimaadeen , Geesiyadii Itobiya? I knew there were samthing wrong with these Dabodhilif laakiin Never new that they can Go this far,
Dhabayaco Never stop surprise me!
Moderators: Moderators, Junior Moderators
Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
Re: Dhabayaco Never stop surprise me!
Haye maanta somalinet baa madadaalo ko ah miyaa 
Re: Dhabayaco Never stop surprise me!
[quote="HELWAA"]Haye maanta somalinet baa madadaalo ko ah miyaa
[/quote]
maya maanta waan kacsanahay Dabo-dhilif ayaan ku kacsanahay
hur er din fredag?? haft bättre tur än jag?
maya maanta waan kacsanahay Dabo-dhilif ayaan ku kacsanahay
hur er din fredag?? haft bättre tur än jag?
Re: Dhabayaco Never stop surprise me!
Du vet när jag e på det här humöret...vad som har hänt och vad ska hända 
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 16 Replies
- 877 Views
-
Last post by Ina Baxar
-
- 16 Replies
- 826 Views
-
Last post by Newboy
-
- 88 Replies
- 9770 Views
-
Last post by mahoka
-
- 0 Replies
- 640 Views
-
Last post by fanaanYG
-
- 14 Replies
- 1658 Views
-
Last post by Gubbet
-
- 15 Replies
- 1901 Views
-
Last post by Enemy_Of_Mad_Mullah
-
- 24 Replies
- 3075 Views
-
Last post by SGMM
-
- 18 Replies
- 1857 Views
-
Last post by TheAnswer2
-
- 0 Replies
- 521 Views
-
Last post by PH.D.

