Duqeyn ba'an oo lagu hayo Warshadda Baastada ee fariisimaha u ah Itoobiyaanka.
Posted to the Web Nov 23, 17:27
Waxaa la maqlayaa madaafiic aad u xoogan oo la sheegayo in ay ku dhaceyso Xarunta warshadda Baastada ay ku leeyihiin Ciidamada Itoobiyaanka ee deegaanka Suuqa Xoolaha.
Ku dhawaad 15 Hoobiye ayaa ku socota warshadda Baastada iyadoona ilaa iminka aan si rasmi ah loo ogeen jawaabta ay ka bixinayaan Ciidamada Itoobiyaanka.
Xaruntaasi ayaa waxaa iminka ka baxaya qiic madow iyo Holac laakin khasaaraha rasmiga ah lama sheegi karo waxaana aad u adag in loo dhawaado goobahaasi Itoobiyaanka.
Wixi kusoo kordha la soco Soomaalinews.com


