SDF Colombus
Posted: Fri Nov 23, 2007 3:09 pm
Shirweynihii Horumarinta Waxbarashada Seddexaad ee SDF Oo Ka Furmay Columbus
Magaalada Columbus ee Gobolka Ohio dalka Mareykanka waxaa si rasmi ah uga furmay shirweynihii 3aad ee horumarinta waxbarashada ee ay qabtay hayada Somali Development Foundation. Shirkan oo sanadle kuna wajahan horumarinta waxbarashada gobalada Galgaduud, Gedo iyo Jubada Hoose. Shirkaan ayaa laysaga yimid dhamaan waqooyiga Ameerika iyo Yurub. Shirkan oo ay ka soo qeyb-galeen aqoonyahano badan oo kala matalayay dhaan haydaha ka hawlan hurumarinta iyo waxbarashada ayaa nuxurka doodiisu ku wajahan iskaashiga iyo tayayta wax-barashada.
Furitaankii shirkan ayaa waxaa si diiran u soo dhaweeyay dhamaan martidii iyo ka soo qeyb-galayaashii gudoonka gudigga qaban-qaabada shirka Ayanle Maxamed Siyaad iyo Madaxweynaha SDF Prof. Warsame Xasan Cali. Labadan masuul ayaa si toos ah u furay shirka ayagoo muujyay muhiimada uu shirkaani leeyahay una mahadnaqay dhamaan ka soo qeyb-galyaasha sheegayna inay u han weyn yihiin natiijooyinka kulanka.
Shirkan oo ay qaban-qaabisay SDF ayaa wajigii hore ku furmay war-bixino ku saabsan warbixinta wax-qabadakii hayadaha ku hawlan waxbarashada ee ka soo qeyb-galay shirkan oo ay ka mid yihiin; Hayada IQRA oo saldhigeedu yahay wadanka ingiriiska magaalda London, Hayada Himilo Relief and Development Association ?" HIRDA oo dagan wadanka Holland. Hayda Markabley Relief and Development Trust oo saldhigeedu yahay Wadanka Ingriiska magaalda London. Hayada Ganaane iyo Ceel-ceelcade Development Committee oo saldhigoodu yahaday dalka Canada iyo Finland iyo Hayada Peace and Stability Council ?" SSC oo saldhigeedu yahay Magaalda Columbus ee dalka Maraykanaka.
Dhamaan hayadahan oo wada shaqeyb buuxda iyo is kaashi ka leh sidii lagu hormari lahaa waxbarasha ayaa warbixintoodii ka muuqday inay hawl aad u balaaran ka qanteen deegaanda wax-qabadkoodu ku wajahay iyo dhaamaan dalka Soomaaliya. Is la mar ahantaa waxay dhamaan ka soo qeyb-galayaashu muujiyeen baahida loo qabo is waydaarsiga afkaarta ku wajahan hurumarka iyo sidii loo baajin lahaa dadka ka baxayaa deegaanad ee u haajiraya dalalka kale ayna kalifayso arrimaha la xariira amaanka iyo tayada wax-barashda oo hoosaysa.
Shirkan oo socon doona ilaa barito oo qorshe ahaan aad u balaaran ayaa la filayaa in talooyin wax ku ool ah ka soo baxaan. Ayadoo dhanka kale looga talo bixin doono sidii isku filaansho buuxda loo gaarsiin lahaa bulshooyinka hayadahaani u adeegaan.
Dib ayaan idinka soo socodsiin doonaa horumarka shirkaan.
Ahmed Kooj
Columbus Ohio
http://www.gedonet.com/index.php?news=2248