
the invaders will be didtroyed

Isku dhac xoogan oo ka soconaya deegaanada Black Sea,Baar Ubax,Ilaa Furayaasha wadada 30-ka.
Posted to the Web Nov 24, 17:52
Dagaal xoogana ayaa is heysta wadada 30-ka qeybo kamid ah kaasi oo ay ku hardamayaan kooxo Hubeysan iyo Ciidamada Itoobiyaanka iyadona dagaalka xoogiisa uu ka soconayo agagaarka shirakadda Daalo iyo Baar Ubax.
Ciidamada Itoobiyaanka ee halkaasi ku sugan ayaa weerar lagu qaaday iyadoona ay iska caabiyeen waxaana dagaalka ku jira Taankiyada Itoobiyaanka oo maalmihii lasoo dhaafay halkaasi yaalay.
Lama oga waxa dagaalka khasaare uu geystay maadaama ay habeen tahay waqtigana uu adag yahay hayeeshee goobaha dirirtu ka socoto ayaa ahaa kuwo markii horeba dadku ay ka barakaceen.