

.......................................................................................................
arowe(AllPuntland)- Wafdi ka socda shirkadda shidaalka ee laga leeyahay dalka Kanada oo la yiraahdo Africa Oil Corporation ayaa booqasho ku maraya deegaannada Puntland oo ku yaal waqooyi bari dalka Soomaaliya.
Ujeeddada wafdigan Kanadiyanka ah ayaa ah inay madaxda Puntland ku wargeliyaan kalana xaajoodaan sidii ay shirkaddan sanadka soo socda shidaal uga soo saari lahayd dhulkaas ay saliiddu dhex ceegaagto.
Madaxa shirkadda shidaalka ee Africa Oil Corporation (AOC) oo la yiraahdo Rick Schmitt iyo laba khabiir oo ku takhusasay qodidda shidaalka ayaa khamiisti yimid Puntland, waxayna wadahadallo la yeesheen Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland Mudane Cadde Muuse Xirsi iyo saraakiil sare oo ka tirsan maaulkaas.
Kooxdaas ka socotay shirkadda shidaalka ee Kanada waxay booqdeen dhulka hodanka ku ah bansiinka ee ku yaal dooxada Dharoor ee Gobolka Nugaal, halkaas oo la filayo inay shirkaddan sanadka dambe ka qoddo afar ceel oo shidaal ah.
Shirkaddan ayaa adduun dhan 50 million dollars una dhiganta 34 million euros, gelin doonta hawshaas lagu soo saarayo shidaalka. Maamulayaasha Puntland iyo shirkadda AOC oo horey loogu yiqiin Canmex Minerals Corporation, waxay bishii Jannaayo kala saxiixdeen heshiis, kaas oo ay diidmooyin uga yimadeen dadka deegaanka oo ka cabanayay sidda madaxda maamulka sare ee Puntland jeebka ugu shubtay hanti laga qaaday sharikadaha heshiisyada shidaal qodida lala galay, iyadoon wax adeeg ah aan bulshada loogu qaban lacago laga qaatay sharikadaha shidaalka.
Sidoo kale waxaa horey maamulladii Puntland heshiisyo qodid shidaal u kala saxiixdeen shirkado Shiinees ah sida CNOOC, China International Oil iyo Gas (CIOG).