
Gaari Ural ah oo looga gubey ciidamo Ethiopian ah, ka dib iska hor imaadyo ka dhacey duleedka Matabaan
Click here to find news in English
Shabelle airs news in English
Mogadishu 27, Nov. 07 ( Sh.M.Network)-Iska hor imaadyo dhex marey kooxo hubeysan iyo ciidamada Ethiopia gudaha gobolka Hiiraan Shaley galinkii dambe ayaa keeney qasaare inuu soo gaaro ciidamada Ethiopia iyo dad kaloo rayid ah.
Iska hor imaadyadan oo ka kala dhacay deegaanada Qabno oo duledka degmada Matabaan ku taalla iyo meel 5 km qiyaastii dhinaca waqooyi kaga beegan degmada Matabaan, ayaa waxa uu socdey muddoo saacado ah.
Wariyaha Shabakadda warbaahinta Shabelle ee Hiiraan ayaa soo sheegaya in ciidamada Ethiopianku ay ka yimaadeen deegaanka Guri Ceel si ay u soo gudbiyaan ciidamo kale oo ka yimid xerada Janta Kuundishe ee Baladweyn.
Wararka ayaa waxa ay intaa ku darayaan in iska hor imaadkaasi looga gubey ciidamadii Ethiopianka ahaa gaari Ural ah, kaasoo aan la ogeyn qasaaraha nafeed ee uu ka dhashey.
Ciidamada Ethiopianka ah ayaa waxa gudaha degmada Matabaan ay ku dileen wiil ardey ah iyo haweyney ku sugneyd degmadaasi, kuwaas oo aan la garaneyn sababaha keeney in la dilo, sida ay sheegeen dadka degmadaasi.
Ciidamadaasi ayaa dib ugu laabtey fariisinkii ay ku lahaayeen deegaanka Guriceel ee gobolka Galgaduud.
Waayahan ayaa waxa jirey kooxo ka soo hore jeedey maamulka degmada Matabaan oo dhowr jid gooye ka qaadey waddooyinka soo gala degmadaasi, kuwaasoo sidoo kale la wareegey qori gacmeedyo ay lahaayeen ciidamada maamulka degmada Matabaan.
Ma jirto cid ka hadashey iska hor imaadkaasi, iyadoo aan la ogeyn qasaaraha soo gaarey kooxihii ka soo hor jeedey ciidamada.