






Khasaare xoogan oo kasoo gaaray Cidiamada dawladda markii lagu qarxiyay gaari goor dhaweyd agagarka Air Port-ga Muqdisho.
Posted to the Web Nov 27, 11:38
Ku dhawaad 4 askari oo kamid ah Ciidamada dawladda ayaa la xaqiijiyay in ay ku geeriyoodeen qarax xoogan oo goor dhaweyd ka dhacay inta u dhexeysa Iskuul 21 Oktoober iyo Deegaanka Afisiyooni,iyadoona qaraxa la sheegay in uu ahaa miino meel fog laga hagayay.
Warar hordhac ah ayaa sheegaya in khasaaraha intaasi uu ka badan karayo maadaama gaariga si buuxda uu ugu bur buray qaraxaasi isla markaana askartii intooda badan dhaawacyo ay soo gaareen.
Goob joogayaal ayaa sheegaya in ay arkeen askar badan oo kamid ah dawladda oo qaraxa kadib dhulka daadsanaa iyadoona qaarkod kale ay meel ka fog goobta qaraxa ku dhaceen iyago meyd ah.
Gaariga la qarxiyay ayaa gabi ahaanba bur buray iyadona uu hawada galay marki miinada oo wadada ku aasneyd loo taabtay isla markaana meel fog laga qarxiyay lamana sheegin wax ay halkaasi ka qab qabteen.
Taliska Booliska Somaliyeed oo wax laga weydiiyay arrimahaasi ayaa ka gaabsaday in uu ka hadlo waxaana ay sheegeen in ay wali uruurinayaan warbixinada ku aadan qaabkii qaruxu u dhacay.