but on some serious shit they are headed towrds kismayo..even the rer cabdulle ugas comfimered it...and we all know when the dhabyaco stars bitching about something than theres a threat
with this kind of posts coming from them..well dhabyacada hadeey ursatay kaadida libaax a its a sign of things to come
Today's Voice of Wamo Daily News Update
Xassan Turki Maxaa Ku Xiran ee Loogu Xilan Karaa!
Nov28,2007
Beni-aadamku damaciisa iyo hawadiisa kolkay heer xun ka gaarto oo ay sii korortaba waxaa ka luma caqliga iyo xilkasnimada uu tixgeliyo insaanka oo xitaa uu is tusaa in qowmiyad dhan qaddiyadeeda uu danahiisa gaarka ku oofsado.
Taa iyada ah ayaa ka mida isxulufaysiga iyo kooxaysiga Xasan-turki oo dadka qaarkii maal-mahaan dambe u xamaasadaynaya, runtii wa mid lagu deg-degayo oo laab-lakac iyo halagaa-sheego ah oo dad iyo deegaan maslaxad iyo wanaag-toonna aysan ugu jirin oo abbaarteeduna noqon karto mid aayatiin xumo ay ummaddu u keeni karto.
Waayo, dadka reer-kismaayaha inkastoo maanta noloshoodii deegaameed ay masiibo kale ku liqdaaran tahay oo xoriyad iyo xayaatanimo-toonna aysan ku haysan, haddana waxyaabaha ay ka gubtaan aan dhegahooda ku soo dhici karin ayaa ka mida wadaadka Xasan-turki oo kale markii lagu soo hadal qaado.
Sababtoo ah, wadaadkaas shakhsi ahaan waxay u arkaan mid aan ka duwanayn qab-qablayaasha dadka noloshooda aan u aabba-yeelin oo xuquuqdooda aan u ogolayn oo haddana weligiiba kismaayo kaabiga u fadhiyey col iyo dagaal u joog ahaa oo xiriir toosa iyo mid dadbanba la lahaa dagaal-oogayaasha xamar qaar-kood.
Sidoo kale, wadaadkaas deegaan ahaan halkuu ka yimid ayaa iyaduna lagu muran san yahay, inkastoo dadku badankiis ay ka dhaadhacsan tahay waayadii dambe ee guud ahaan dalka fasahaadka ku jiray inuu ka soo galay dhanka galbeedka ee ogadeenka gaar ahaan xillguu Ina-Cumar Jees kismaayo xasuuqa ka wadey.
Ha-yeeshee, ta laysku raacasan yahay ayaa ah muddadii uruka SNA-da uu kismaayo afduubka ku haystay inuu caam baxay, wallow! iyaduna aan la sheegin inuu wadaadku qayb ku lahaa xasuuqii waayadaas uu Ina-Cumar Jees Kismaayo iyo nawaaxigeeda ka wadey oo dadka deegaanka hariga ah loo gaysatay inta u dhxaysay sanadihii 1991dabayaaqadiisii ilaa 1992 horraantiisii, ayaa haddana la aaminsanyahay tacasubiyaddii riyada ahayd ee waagaas laysu baahaystay isaguna dhabbahaasoo kale uu daba joogo.
Waayo, haddaysan timiri laf ku jirin oo Xasan-turki faafin iyo arimo diimeed daacad ka tahay, waxaa lays weydiiyaa muxuu marka hore uu uga soo bilaabi waayey reeraha uu ka dhashay oo u badan deegaamda afmadow, bils qooqaani ilaa laga gaaro dhoobley oo khayrka iyo wanaagga intaa le’eg uu u halgamayo iyagu ula jeclaan waayey – maxayse mawalba uga go’an tahay inuu kismaayo ku soo duulo oo uu ku amar-kutaagleeyo..
Dareemadaas laga qabey waddaadka ayaa iyaduna sii kordhisay kal hore markii midowga maxkamaha koonfurta dalka intiisa badnayd ay gacanta ay gacanta ku dhigeen, daf-daftii iyo caga-juglayntii ay isagu dadku kala kulmeen, oo gaar ahaan deegaanka kismaayo dadkiisa nac iyo nacayb horey loogu qabey awgeed, si ka duwan deegaanda kale loola dhaqmay.
Dadkaasi reer-kismaaha oo maamulka iyo madax-banaanida deegaankooda aan weligoodba carrabka loogu tirin, ayaa hankoodu ahaa hirarkii maxakamada oo u baroordiqlaynayey in Kitaabka Alle ay wax ku xukumayaan inay u xaqsooraan; oo ka mida marka hore in loo caadil falo oo deegaankoodu aan laysga tagri-falan ee iyagu inta talada iyo teeladiisaba gacanta loo geliyo oo looga dambeeyo, oo haddana dadka walaala ah oo dhul iyo dhaqan wadaagga ah laga dhaadhiciyo inay wanaag iyo nabad bay’addoodu ku wada noolaan, oo guud ahaan sida shareecadu ay farayso oo ka mida in alysu naxariisto sutiga loogu qabto.
Taa iyada ah ayaa loogu beddelay cadaadis iyo culays hor leh in la saaro, oo ka mida hanjabaad, cabsi-gelin, xarig iyo karbaash joogta ah, lacago xoog iyo itaal oo ganaax ahaan lagu tilmaami jiray oo laga qaado (oo hadii la awoodinse lacagahaas jeedal iyo qaraacid loogu beddelayo), dadka oo khasab timaha looga xiiro, nabaad-guurinta bay’adda oo lasii laba laabay iyo dadkii deegaanka ahaa oo si xun loo xaqiray oo loo bahdilay, taasoo soo dedejisay mixnad guuraysa oo cirka iyo dhulka isugu jirta oo wixii jirayba cagta marisay oo sidaa-awgeed iyo siyaabe kaleba shacabka reer-kismaayaha ee reer-guriga mowqif adag Xasan-turki iyo wixii la halmaalaba ay ka gaareen.
Haddaba, dadka deegaanka kismaayo oo iyagiiba qolo-qolo u kala taagan oo midnimo iyo iskaashi toonna aysan ka dhaxayn, oo hortooda dhulkooda iyo bay’addooda lagu cirib-tirayo oo jiritaankiisa la xasuuqayo oo wixii horey loo soo mariyeyna ay dhegahooda ka qaacayso, sey ku dhici kartaa dadka noocaasa in Xasan-turki lagu soo hogaamiyo – Maxaase ku xiran oo isagu loogu xilanayaa oo aan ka ahyn sii baabi’inta iyo bur-burinta nolosha ummaddaasi oo laga taliyo.
C/SALAAM OSMAAN,