Abu Mansuur making big moves in Bakool...
Posted: Sat Dec 01, 2007 5:26 am
Ciidamo fara badan oo Ethiopian ayaa u ruuqaansaday Gobolka Bakool, iyadoona la soo sheegayo in ay ka taagan tahay Xiisad culus oo laga cabsi in dagaalo la isku fara saaro ay halkaas ka dhacaan.
Maalinmadii shalay ayay aheyd markii Meel u dhow Degmada Xudur ay gaareen Ciidamo uu wato Wadaadka caanka ah ee lagu magacaabo Sheekh Mukhtaar Roobow (Abuu Manuur), iyadoo durba gaaritaanka Deegaanada ku dhow dhow Xudur ee Ciidamada uu wato Abuu Mansuur in xiisado laga dareemo.
Gudoomiyaha Gobolka Bakool ayaa Saxaafada u sheegay in Ciidamo uu horkacayo Abuu Mansuur ay soo gaareen Deegaano ka tirsan Gobolkaas, iyadoo warka Gudoomiyahaas kadib ay keentay in Ciidamo Ciidamada Ethiopia iyo kuwa Dowladda ee jooga Baay ay usoo dhaqaaqaan Dhanka iyo Bakool.
Ciidamada uu wato Roobow iyo Kuwa hada usoo ruuqaansaday Bakool ayaa laga cabsi qabaa in dagaalo uu halkaas ku dhex maro, iyadoo dadka ku dhaqan Gobolkaas ay cabsi xoogan ka muujinayaan xiisadaha ka jira Bakool
Sheekh Mukhtaar Roobow, waa nin caan ah, kana soo jeeda Gobolka Baay iyo Bakool,waxaa uu halkaas ku leeyahay taageerayaal aad u fara badan, wuxuuna sheegay mar uu hadlayay in uu doonayo in uu arko oo kaliya dalka Soomaaliya oo Dowlad Islaami ah Maamulayso.