Good news for all those who support the Mujahidiin.. 8)
Bad news for those who support the TFG, Gaalo raacs and traitors...
..........................................................................................................
Dagaal kii ugu ba'anaa ayaa maanta hareeyay magaalada Caasimada ah ee Muqdisho, kaasoo si fool ka fool ah ay isaga horyimaadeen Ciidamada Ethiopia iyo Kooxaha kacdoonada ka wada Muqdisho.
Dagaalan ayaa yimid kadib markii Kooxo hubeysan ay weerar ku soo qaadeen ciidamo Ethiopian ah oo saaka soo galay deegaanado ay ka mid yihiin Yaaqshiid iyo Huriwaa si ay howlgalo baaritaan ah uga sameeyaan, sida dadka deegaanku sheegayaan, waxaana dagaalka maanta uu ahaa mid aad u qaraar oo jilbaha la isu aastay,
Madaafiicda Bm-ka iyo kuwa loo yaqaan Hoobiyeyaasha ayaa si xun la isugu weydaarsaday Deegaanadu maanta dirirtu xoogani ka dhacday, waxaana la soo sheegayaa dhimasho iyo dhaawacba.
Inkastoo Xaalada Deegaanada SOS, Suuqa Xoolaha, Ex Crtl Balcad iyo Juungal ay tahay mid degan, ayaa hadana warar la helayo ayaa waxay sheegayaan in Ciidamada Ethiopia madaafiic si teel teel ah ugu ridayaan Goobihii maanta laga soo weeraray oo sida la sheegay qasaaro lagu gaarsiiyay.
Dagaalkii maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho ayaa dadka soo xusuusiyay Dagaaladii bilihii Maarso iyo April oo kale, waxaana madaafiicda maanta dhaceysay si weyn looga maqlay Muqdisho iyo hareeraheeda.
Ilaa afar ruux oo dhimasho ah iyo dhaawaca 30 ruux oo rayid ah ayaa la soo sheegayaa inuu Dagaalka uu ka dhashay, kuwaasoo ahaa dad fara ku tiris ah oo ku haray Deegaanadaas.
Ma cada qasaaraha soo gaaray Labada dhinac ee maanta sida fool ka foolka ah u diriyay, iyagoona aan waxba isku reeban.


