BREAKING NEWS: SADE AND OROMO CLASH DEEP IN ETHIOPIA!
Posted: Mon Dec 03, 2007 9:49 pm
>Look at how deep Nageyle is
http://www.sweetmarias.com/ethiopia.gif
>BBC interview with Ugaas Cabdi Ugaas Daahir, Ugaaska Beesha Sade ee Liibaan Region
http://www.allgedo.com/audio/ugaas.rm
Dagaalo ka dhacay duleedka magaalada Nageyle ee dalka Ethiopia
Nageyle, Ethiopia (AOL) - Dagaalo la isku adeegsanayo hubka fud-fudud, Tooreeyo iyo Burar ayaa labadii maalmood ee u dambeeyey waxay ka dhaceen duledka magaalada Nageyle ee dalka Ethopia, waxuuna dagaaladaasi u dhaxeeyeen labo beelood oo ay mid Soomaali tahay, gaar ahaan beesha Mareexaan ee dhulkaasi degta iyo beesha Oromada sida uu Allgedo u xaqiijiyey Bashiir Guhaad oo ka mid ah Mas'uuliyiinta deegaankaasi.
Dagaalkaasi ayaa la sheegayaa in ilaa iyo 5 qof oo rayid ah si xun loo dhaawacay, halka ku dhowaad 13 Guri oo ay leeyihiin Beesha Mareexaana dab la qabadsiiyey, taasi oo ugu dambentiina sababtey in dhowr qof oo Soomaali ah loo taxaabo xabsiga.
Dagaalkani oo maalmahii u dambeeyey ka soconayey deegaano la doonayey in qabiilka Oromada ay ka sameeyaan Tirokoob ayaa arintaasi waxaa ku gacanseyray beesha Mareexaan oo iyadu ku doodeysa in deegaanadasi laga xukumo dhulka Ismaamulka Soomaalida ee Ethopia, halka Oromadana ay doonayaan in deegaankaasi ay ku biiriyaan Kililka Oromada.
Arinta ay labadan beelood isku hayaan ayaa waxaa u weyn dhulka deegaanka iyo daaqsinka oo beel waliba ay doonayso in iyada loogaga dambeeyo, taasoo ilaa iyo hadda dowlada Ethiopia ayan weli wax go'aan ah kasoo saarin.