Dr Cabdi Aw Daahir oo kamid ah Siyaasiyinta Sare ee Xisbiga Kulmiye oo aan isagu ka dhex muuqan munasibadii xisbiga kulmiye u sameeyay xubno miisan leh oo kamid ah Beelaha Garaxajis
maalinti Axadii ayaa wariye Kayse Axmed Digaale waxa ka waydiiyay sababah uu uga maqna kulankaas iyo siduu u arko Xaalada siyasadeed ee xisbiga Kulmiye iyo arimo kale oo xiiso badan waxa uu waraysigu u dhacay sidan:-
Suaal; Maxay tahay sababta aad uga qaybgeliweyday munaasibaddii xisbigiinu u samaynaayay xubnihii miisaanka lahaa ee ku biiray ?
Jawaab: Wxaa ii qorshaysneyd inaan soo baxo 5:00 subaxnimo ee malintaa, gaadhiguna waa ii shidaalaysnaa. Waxaa dhacday arrin degdeg oo cafimaad una baahnaa qalliin deg-deg ah oo isla dhaqaaqaygii la kulmay , dabcan ,waxaan go’aansaday inaan qofkaa badbadiyo ,sidaas ayaanan ku baaqday.
Suaal: waxa la sheegayaa inaad adiga iyo xubno kale oo aan ka qaybgelin munaasibadaa aad doonayseen in shuruudo lawado galo inta aan laysku biirin taas maxa ka jira?
Jawaab: horta shuruud aan ku xidhaayo soo biiritaanku maba jiri karto, waayo waxaan ahay kuwa lagu soo biiraayo, ee ah hogaankii xisbiga. Xubnaha kale ee muhiimka ah ee aan maalintaa aan ka soo qayb gelin kulankaas intaan hubo waxaan ogahay in ay ka go’antahay ka mid noqoshada xisbiga kulmiye,yihiinana hormoodkii fikirka ku biiridda kulmiye waxaanay ka mid yihiin ergada shirweynaha. Ujeeddadooda ugu weynina tahay kulmiye oo la xoojiyo laysugu tago si isbeddel loogu sameeyo maamulkan ragaadiyay dalka. Wixii arrin ah ee dan la moodo xisbiga gudihiisa ayaa lagaga arrinsanayaa,ee horumarka dalkanu ku jiro
Suaal: Dr. Cabdi waxaa kale oo la sheegayaa in aad meesha ka arki weyday damacaagii siyaasadeed, ka dibna aad ka hadhay ergadii Burco ka baxaysay sidaa miyaa?
Jawaab: Horta haddii nasiib siyaasadeed jiro maalin aan ka nasiib wanaagasanahay ma jirto, iyo maalin aan ka faan badanahay. Waayo wax aan shan sanadood hortood aan ku baaqaayay, kelina aan in kooban ku ahayn, haddii beelweyntii garxajis xoogeedii nala gartay, inta hadhayna nala garantoonto insha allah, wax iga dhiman aniga maanta ma jirto, al xamdulilaah. Taasu waa Guushii kowaad oo aan helay , ta labaadna waa kulmiyoo Guulaysta, taladana gacanta ku dhiga , taasoo ahna guusha caam ahaanba ummadda. Damacaygu waa waxa ugu dambeeya. Xataa hadaan mihnadayda dhakhtarnimo ka shaqeeyo oo kulmiye guulaysto waa igu filantahay.
Suaal;:Adigu sidaad u aragtaa ku biiritaanka xubno culus oo beeshaada ah ee kulmiye ku biireen?
Jawaab: horaan taa kuugu sheegay , oo Waa guusha Ummadda Somaaliland, Waa guusha Xisbiga Kulmiye, Waa guusha beelweynta Garxajis, Waana guusha iyo faanka aniga iyo xubno kale oo kooban noo gaarka ah.
Suaal: Miyaad qawaday siyaasada xisbiga kulmiye ee xilligan?
Jawaab: Maalin la qawadaba ma joogo Kulmiye. Xooggii hore u joogay iyo xoogga ku soo biiray mid la qawado maaha. Dimoqradiyadda ka aloosan dhaxdiisuna mid la qawado maaha . Barnaamijkiisa siyaasadeedna mid la qawado maaha, anna qawad maanta waa iga dheeryahay .
Suaal:Waxaa la hadalhayay muddooyinkan dambe inaad isku soo sharixidoonto M/ku xigeenka kulmiye ee isu soo taagaya doorashada soo socota arintaa maxa ka jira?
Jawaab: Inkastoo aan xaq u leeyahay in aan jago kasta oo xisbigu leeyahay isu soo sharaxi karo, haddana weli fagaarana kamaan sheegin, in gaar ahna kulama fiqin, xataa naftayda si gaar ah ugulama fiqin. Sidaan hore kuugu soo sheegay damacayga gaar ahaaneed wuxuu noqonayaa shayga ugu dambeeya. Balse arrimaahaas iyo arrimaha kale ee Istraatiijiga ah ee guusha xisbigu ku jirto taladeeda si xoog leh ayaan uga qaybqaatay, ugana qaybqaadan doona insha allah.
Suaal: Dad badan ayaa dhaliila siyaasadda xisbigiina ,kuna sheega in qorshihiina siyaasadeed ee ugu weyni uu yahay ku fadhiisiga kursiga oo kaliya oo aan waxba idiinka danbaynin, sidaa adigu ma qabta?
Jawaab: Horta dad sidaa leh oo wax garad ah maan maqal, hadaanay ahayn xubnaha UDUB ee aadka u xagjira. Inaanan kuwaa ahayn wax ugu yar ee kuu caddayn karaa waxaa ka mid ah sida xooga iyo miisaanka leh ee beelihii ugu waaweynaa Somaliland iyo xubnihii siyaasiyiinta ugu firfircoonaa ugu soo biirayaan, Taas ayaa markhaati cad ah. Waxaa kale oo kulmiye axsaabta kale kaga duwanyahay Dimuqraadiyada , xiwaarka, furfurnaanta ka jirta gudihiisa oo aan maanta xisbiyada kale cid hadal haysaaba aanay jirin . Dabcan baratankayaga iyo qorshahayaga waa ku jirtaa in aanu talada dalka aan si dimoqraadi ah oo ah doorasho xor ah gacanta ugu dhigno, balse waxaa nooga dambeeya barnaamij cad oo siyaasadeed oo aanu dalkan insha allah ku horumarindoono.Waxaan talo u soo jeedinayaa inta horumarka dalkan jecel ee hadhay, inay kulmiye ku soo biiraan.
Suaal:Sidaad u aragtaa arrinta gobolka sool ka jitrta?
Jawaab: Waa guul uu gaadhay Shacabka reer sool iyo ciidankeena qaranku . Waana guul u soo hoyatay dhammaan shacabweynaha iyo qaranka reer Somaliland . Maalintaas oo kalena waajibaad ayaa la kala leeyahay. Shacabka iyo axsaabta waxaa ku waajib in arrinkaas si midaysan loo wajaho. Madaxweynahana waxaa ku waajib ah in uu arrinkaas ku mideeyo ummadda, taladana uu ballaadhsado. . waxa qudhe ee muhiimka ahi marka la soo koobo waa in guushaa ciidanka ay raacdo siyaasad hufan oo garab socota, lana jaanqaada..
Waraysi Dheer oo Lala Yeeshay Mudane DR Aw Dahir- Shirki Gar
Moderators: Moderators, Junior Moderators
Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
- LiQaaye_TDH
- SomaliNet Super

- Posts: 15857
- Joined: Fri Apr 23, 2004 7:00 pm
- Location: Afhayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed (Silaanyo) ee Somalinet...
- yawle
- SomaliNetizen

- Posts: 887
- Joined: Sat Nov 17, 2007 5:36 am
- Location: Habaryoonis baan uga dhashay iyo Harunta Waawayn
Re: Waraysi Dheer oo Lala Yeeshay Mudane DR Aw Dahir- Shirki Gar
"Wxaa ii qorshaysneyd inaan soo baxo 5:00 subaxnimo ee malintaa, gaadhiguna waa ii shidaalaysnaa. Waxaa dhacday arrin degdeg oo cafimaad una baahnaa qalliin deg-deg ah oo isla dhaqaaqaygii la kulmay , dabcan ,waxaan go’aansaday inaan qofkaa badbadiyo ,sidaas ayaanan ku baaqday"
The people need doctors. People do not need politicians. We have enough politicians, in fact, you don't need to know anything to become a Somali politician. I would suggest Dr. Cabdi Aw Daahir and Dr. Gaboose to help the people because people are in dire need for doctors.
It was in the news the other day that Dr. Gaboose's clinic is teaming with people who want medical attention and those who want to get new prescriptions. These men are needed to surve the public in their profession. Dr Cabdi Aw Daahir is a surgeon and Dr. Gaboose is neurologist (mental doctor). Both professions we lack qualified people.
The people need doctors. People do not need politicians. We have enough politicians, in fact, you don't need to know anything to become a Somali politician. I would suggest Dr. Cabdi Aw Daahir and Dr. Gaboose to help the people because people are in dire need for doctors.
It was in the news the other day that Dr. Gaboose's clinic is teaming with people who want medical attention and those who want to get new prescriptions. These men are needed to surve the public in their profession. Dr Cabdi Aw Daahir is a surgeon and Dr. Gaboose is neurologist (mental doctor). Both professions we lack qualified people.
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 7 Replies
- 693 Views
-
Last post by Mr_Alfaas
-
- 70 Replies
- 4019 Views
-
Last post by Queen_Arawello
-
- 0 Replies
- 342 Views
-
Last post by MALMAHA
-
- 2 Replies
- 338 Views
-
Last post by new-york24
-
- 8 Replies
- 769 Views
-
Last post by The_Emperior5
-
- 60 Replies
- 4847 Views
-
Last post by Somalian_Boqor
-
- 31 Replies
- 2826 Views
-
Last post by Rightwing
-
- 6 Replies
- 892 Views
-
Last post by NewHargeisaGirl
-
- 0 Replies
- 1225 Views
-
Last post by Shift