Ugaas Maxamed Xasan Yarow iyo wafdi balaaran uu hogaaminayo

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
Alta Vista [Bot2]
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 497
Joined: Mon Apr 30, 2001 7:00 pm
Location: Carriga Ingiriisiga

Ugaas Maxamed Xasan Yarow iyo wafdi balaaran uu hogaaminayo

Post by Alta Vista [Bot2] »

Ugaas Maxamed Xasan Yarow iyo wafdi balaaran uu hogaaminayo oo gaarey Garbahaarey

Garbahaarey, Somalia (AOL) - Ugaas Maxamed Xasan Yarow oo ka mid ah Hogaamiyayaasha dhaqanka gobolka Gedo iyo wafdi balaaran oo uu hogaamianyo ayaa waxay wararku sheegayaan in saaka ay gaareen Magaalada Garbahaarey ee xarunta Gobolka Gedo si ay u sii ambaqaadaan howlahii maamul u sameynta degmada Garahaarey ee khilaafka xuni uu ka dhashey. Ugaaska iyo wafdigiisa oo ka kooban ilaa 13 Xubnood ayaa waxay isugu jiraan Odoyaal, Culamau'diin iyo waxgarad kale kuwaasi oo maalmahii u dambeeyna ku sugnaa magaalada Baydhabo oo kulamo ku saabsan arimaha maamul u sameynta Garbahaarey kula yeeshay mas'uuliyiin ay mid ahaayeen madax sare oo ka tirsan labada Gole ee DFKMG ee Soomaaliya.

Dhanka kalena, wafuud kale oo ka iyagana ka yimid Degmada Garbahaarey oo ka koobnaa 3 qeybood oo gaarey magaalada Baydhabo ayaa iyaguna iminka waxay ku sugan yihiin magaalada Garbahaarey, walow khilaafkii markii horeba ay u tageen Baydhabo aan ilaa iyo hadda xal laga gaarin, balse waxaa laga warsugayaa kulamada maalmaha soo socda u bilaaban doona mas'uuliyiinta dhaqanka iyo kuwa degmada ee haatan ku wada sugan degmada Garabahaarey ayada oo arrinta ugu muhiimsana ay tahay sidii Gobolka Gedo loogu samayn lahaa maamul loo dhan yahay.


Shuceyb Shire - Allgedo, Baydhabo/Somalia.



Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”