Hargeysa TV oo Lagu Daray Digital Sateliteka Thaicom

Soomaalida waddankan ku dhaqan

Moderators: Moderators, Junior Moderators, Islam mods, uk mods

User avatar
Adan_1
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1237
Joined: Fri Feb 25, 2005 12:46 pm

Hargeysa TV oo Lagu Daray Digital Sateliteka Thaicom

Post by Adan_1 »

Dec 02 2007 (Somaliland Net) - Telefishankii ugu Horeeyay ee Somaliland TV ayaa Hadda Si Tijaabo ah ugu Jirta Siteliteka Digitalka taasoo ay Hawlwadeenada Telefishanku ay Kireysteen Canal Caalami ah oo ku Baahinaya Tvga Caalamka Daafahiisa arrintaasi oo Dad Badani ka Faaideysan Doonaan siiba Dadka reer somaliland ee ku dhaqan Dalalka Caalamka .

Telefishanka Somaliland TV oo ah Telefishan Private ah ayaa waxa uu ahaa Telefishankii ugu Horeeyay ee laga Furro Magaaladda Hargeysa Sanadkii 1994 kii waxaana si Toos ah loo Bilaabi Doonaa Baahintiisa Dhinaca Sateliteka sida ay sheegeen Mar aan Khadka telefoonka kula Xidhiidhay Caawa waxa ay iisheegeen in 1da Bisha Soo Socota si Toos ah uu ubilaabi Doono Baahintiisan hadda Tijaabada ah .

Dadka Reer Somaliland ee Degen Daafaha Caalamku waxay ka Daawan Karaan Digital Sateliteka Thaicom ama Universal TV agtiisa ayaa laga Daawan karaa wixii warar ee kasoo kordhana waan idin lasoo socodsiin doonaa oo warkaasi ku saabsan ama warkaasi oo Faahfaahsan .

Wariye Mohamed Mussa inji
Hargeysa
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Europe - UK”