Dadka La Leeyahay Waa Garxajis Oo Waxay Ku Biireen KULMIYE Ma Aha Dad Ka turjumi Kara Beesha Garxaji
Written by Qarannews
Dec 02, 2007 at 11:16 PM
Hargeysa (Qaran)- Wasiirka Wasaarada Hawlaha Guud iyo Guriyeynta Somaliland, Md Siciid Sulub Maxamed, ayaa galabta sheegay in beesha Garxajis, aanay metelin koox, uu hoggaaminayay Suldaan Cismaan Suldaan Cali, oo maanta ku biiray xisbiga mucaaridka ah ee KULMIYE.
Wasiirka Hawlaha guud iyo guriyenta, oo shir jaraa’id ku qabtay huteelka dalxiis ee magaalada Hargeysa, ayaa xisbiga mucaaridka ah ee KULMIYE, ku eedeeyay inay wadaan falsafad ay ku beelaynayaan dadka, waxaanu yidhi “Dadka la leeyahay waa Garxajis, oo waxay ku biireen Kulmiye laguna shirinayo Huteelka maansoor, ma aha dad ka tujumi kara Garxajis. Garxajisna meel uu talo aynu kulmiye wada galno ah ku yeeshay ma jirto, beesha { Garxajis} wixii damiir lihi aad ayay uga xun yihiin waxa ragani sheegteen, qofka muwaadinka ahi xisbi wuu geli karaa kana bixi karaa, laakiin ma aha inuu isticmaalo magic beeleed”.
Md Siciid sulub oo hadalkiisa sii watay waxa uu yidhiv “Waxa maanta muuqatay oo laga war-hayay in dad laga soo ururiyay magaalada burco iyo meelo kale, oo la leeyahay waa beesha Garxajis, oo waxa sidaa wada xisbiga Kulmiye, oo aan jeclaa inuu noqdo xisbi qaran, hase yeeshee ay falsafadiisu noqotay in dadka beel beel loo kala saaro, oo dadka la Garxajiseeyo, la Habar-jecleeyo ka dibna la Isaaqeeyo, oo Somaliland sidaa ku kala tagto. Taasina ma aha wixii aynu u soo halganay, waxana aan leeyahay ummada ha laga daayo beelaynta”.
Wasiirka Hawlaha guud iyo gaadiidka Somaliland, waxa uu sheegay in aanay u suurto gal ahayn in shir beeleed dambe dalka laga qabto, waxana uu ka hadlay xaalada dalku marayo, waxaanu yidhi “Waxa aynu maanta oo aynu dhawr iyo toban jirsanay ayn u baahan nahay in ay ka sii shaqayno oo kobcino dimuqraadiyada aynu gaadhnay, iyo in aynu wada jir u ilaashano guushii ay ciidamada qaranka iyo shacbiga gobolka Sool wada jirka u gaadheen”.
“Anagoo ku mashquulsan taakulaynta shacbiga gobolka sool iyo sii adkaynta guushii aynu ka gaadhnay gobolka Sool, ayaa hadana mar walba ay soo baxayaan dad guusha dalku gaadho, doonaya inay dhabarka ka jabiyaan” Ayuu intaas raaciyay Wasiirku.
Shirka Jarr’aid ee wasiirka Hawlaha guud , waxa ka soo goob jog ka ahaa Wasiirul-dawlaha Arrimaha Dibada Somaliland, Md Siciid maxamed Nuur.
Cumar Maxamed Faarax
Qarannews/Hargeysa
GARXAJIS ARE UDUB - WASIIRKA GUUD MD SICIID SULUB
Moderators: Moderators, Junior Moderators
Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
-
- SomaliNetizen
- Posts: 456
- Joined: Wed Dec 31, 1969 7:00 pm
- Location: New Hargaisa 2 Burco Kenya
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 0 Replies
- 391 Views
-
Last post by Bohol iyo karaman
-
- 0 Replies
- 363 Views
-
Last post by MrPrestige
-
- 1 Replies
- 546 Views
-
Last post by Jaamac1975
-
- 6 Replies
- 558 Views
-
Last post by LiquidHYDROGEN
-
- 3 Replies
- 528 Views
-
Last post by Cali_Gaab
-
- 10 Replies
- 1013 Views
-
Last post by XKeyse_
-
- 4 Replies
- 560 Views
-
Last post by LiQaaye_TDH
-
- 5 Replies
- 927 Views
-
Last post by original dervish
-
- 0 Replies
- 321 Views
-
Last post by Adan_1
-
- 5 Replies
- 576 Views
-
Last post by Jamac_Yare