War deg deg ah: Yuusuf Quuje oo usoo galay
Posted: Thu Dec 06, 2007 1:22 pm
Warkii 06-Dec-2007 iyo Qormadii: Afnugaal News Desk
Waxaa caawa usoo galay maamulka Somaliland ee hadda gacanta ku haya Gobolka Sool Yuusuf C/laahi Quuje oo ahaa sarkaal ka tirsan maamulka Goboleedka Puntland ee Somalia kuna sugnaa xarunta maamulkaasi ee Garowe isaga oo wata labo tikniko ah.
Yuusuf Quuje ayaa waxaa kaga hortagay kaantoroolka Bari ee ay ku sugan yihiin ciidamada maamulka Somaliland Taliye Mahad Canbaashe iyo ciidamo uu wato iyo waliba Gudoomiyha Gobolka Sool Cali Sandule una soo ka xeeyay dhanka magaalada.
Gudoomiyaha Gobolka Sool iyo Mahad Canbaashe ayaa waxa ay kusoo galbiyeen Tali Quuje baabuur fara badan kuwaas oo lagu soo dhex mariyay bartamaha magalaada isagoo loo galbiyay dhanka galbeed ee magaalada oo ay ku yaaliin inta badan xarumaha Dawlada.
Ilaa hadda si rasmi ah loo ma oga sababta dhabta ah ee ka danbaysay inuu soo galo Yuusuf Quuje oo horay uga noqday tuulada Gambadhe oo ay ugu yimaadeen madax sare oo ka tirsan maamulka Puntland mar uu isaga soo cadhooday maamulkaasi.
Mar aan isku daynay inaan wax badan ka ogaano oo aan la xidhiidhnay Gudoomiyaha Gobolka Sool Cali Sandule ayaa waxa uu noo sheegay in ay dib ka faahfaahinayaan saxaafadana ay la hadli doonaan oo ay hadda ku jiraan xaalad.
Isku soo wada duuboo imaashiaha Yuusuf Quuje ee dhanka Somaliland ayaa waxa uu niyad jab wayn ku keenayaa maamulka Puntland halka maamulka Somaliland uu ka helayo niyad sami aad uwayn uuna si wayn usoo dhawaynayo wallow aan la gara karin waxa uu kala kulmi doono.
Afnugaal News Desk
info@afnugaal.com
Sorry to disapount you guys, But Laascaanood is gone For good