




Faaf faahin:- Gaari Ural ah oo lagu gubay M/Baydhabo ee G/Baay
Beerdhiga 06.12.2007 15:15
Abaarihii saaka 07:30 subaxnimo ee maanta xiliga Magaalada Baydhabo ayaa waxa Qarax Miino lagu gubay mid ka mid ah kolonyo gawaari ah oo ay wateen ciidamada gumeysiga Itoobiya iyo kuwa DFKMG ah ee la shaqeysa gumeysiga Itoobiya xili ay marayeen inta u dhaxeysa “Hotel Eedan” iyo “Isha Baydhabo” ee magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.
Qaraxan miino oo ahaa mid aad u weyn isla markaana ahaa nooca meelaha fog laga hago ayaa waxaa lagu gubay hal gaari oo uuraal ah oo la socday kolonyo ku sii jeeday xarunta Madaxtooyada Villa Baydhabo.
Qaraxan miino oo si gaar ah uga dhacay meel u dhaw Hotelka Eedan isla markaana kuna dhaw Buundada “Isha Baydhabo” ee magaalada Baydhabo, ayaa waxaa la arkayay qiic iyo holac hal mar cirka isku shareeray.
Ciidamada gumeysiga Itoobiya ayaa Qaraxa Miino ka dib ay isla wakhtigiiba bilaabeen in ay gabi ahaanba xiraan jidadka soo gala halka lagu gubay gawaariga uuraalka ah ee ay saarnaayeen qaar ka mid ah ciidamadooda.
Waa qaraxii miino oo maalin cad ka dhaca magaalada baydhabo in mudo ah, waxaana uu qaraxani miino ku soo beegmayaa iyada oo magaalada uu saaranyahay bandow isla markaana ay maanta yaraayeen socodka gaadiidka magaalada.
Xoogaga muqaawamada soomaaliyeed ayaa iyagu u muuqda kuwa dagaalkooda ay uga soo horjeedaan joogitaanka iyo tacadiga gumeysiga ku baahiyay dhamaan gobolada dalka ee ay ka joogaan ciidamada gumeysiga Itoobiya, xili uu meles zenawina qirtay in ay ciidamadiisu ku dhamaadeen gudaha Soomaaliya, isla markaana ay xukuumada KMG ah ee la shaqeysa gumeysiga uu ku sii baahayo khilaafka iyo dhaqaala la’aanta haysa.