Breaking News: Somali PM met US secretary of state Ms Rice!

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
Nation
Posts: 35
Joined: Thu Dec 06, 2007 3:54 am

Breaking News: Somali PM met US secretary of state Ms Rice!

Post by Nation »

Ra’iisal wasaare Nuur Cade oo kulan la yeeshay Condaliza Rice

Muqdisho Khamiis , December 06 2007 SMC

Ra’iisal wasaaraha Dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya Nuur Cadde oo kulan gaar ah kula yeeshay magaalada Addis Ababa xoghayaha umuuraha dibada Mareykanka Condaliza Rice iyaga oo kawada hadlay Xaaladda Dalka Soomaaliya

Kulankani oo ka dhacay Magaalada Addis Ababa ayaa Ra’iisal wasaaraha Xukuumadda Federaalka iyo Xoghayaha arrimaha dibadda ee Dalka mareykanka waxa ay kaga hadleen Xaaladdaha ugu dambeeyo ee dalka Soomaaliya.

Kulankooda oo ahaa mid albabadu ay u wada xirnaayeen ayaa markii uu soo dhamaaday wada ay si wada jir ah Saxaafadda ugula hadleen Addis Ababa iyaga oo sheegay in ay kawada hadleen Xaalado quseeya labada dal.

Ra’iisal wasaare Nuur Cadde ayaa u gudbiyay MRS.Rice Arrimaha ugu dambeeya ee dowladdiisa, waxaana uu u sheegay indowladdiisa ay shaqeyneyso isla markaana uu soo dhisay gole wasiiro inkastoo weli aysan hawlgelin.

Waxaa ra’isul wasaaruhu sidoo kale uu u sheegay diplomaasiyiin Ameerikaan ah oo ay hoggaamineysay Rice in dowladda Soomaaliya ay dooneyso mashaakilaadka dalka ka taagan in ay kusoo xalliso miiska wada hadalka,isagoo yiri “waad la socotaan in ay dolwaddu intii aanan xafiiska imaan ka hor qabatay kulan weyne dib u heshisiineed taasina waxaa ay muujneysa sida ay madaxda dowladda uga go’antahay si nabad ah in ay kusoo afjaraan dhibaatooyinka dalka ka jira.

Sidoo kale waxa uu sheegay Nuur cadde oo Saxaafadda Addis Ababa kula hadlayay in uu u gudbiyay Rice Dukumenti muujinaya sida ay u doonayaan in Arrimaha nabad geliyada ku wajahaan oo uu sheegay in ay diyaar u yihiin jawi nabadeed in wax waliba lagu xaliyo.
Dhinaca kale Shirkii jaraa’id oo ay qabatay Mrs.Rice ayaa iyana waxa ay sheegtay in Dowladda mareykanka gacan ku siineyso dowladda Soomaaliya sidii ay ku hanan laheyd dowladda federaalka Nabadda Soomaaliya.

“Dhibaatooyinka arrimaha bini aadanimada la xiriira oo nalaku eedeeyo in aan meesha ka saarno ayaan usheegay Rice ,arrintaasna waxaa ay ahayd mid ay si aad ah usoo dhaweeyeen Rice iyo madaxda kale ee Afrikaanka ee shirka nala joogay” ayuu hadlkiisa sii daba dhigay Nuur Cadde.

sidoo kale waxa ay sheegtay Mrs.Rice in ay mahad ballaaran u soojeedineyso dowladaha deriska la ah Soomaaliya waxayna tiri “Dalalka Afrikaanka hoggaamiye yaasha shirka ka joogay ayay Rice ku dhiiri gelisay in ay soo de dejiyaan ciidmadii nabad ilaalinta ee Soomaaliya ay u balan qaadeen” ayuu mar kale yiri ra’isul wasaaraha soomaaliya Nuur cadde.

waa markii ugu horeysay oo Mrs, Rice ay ka hadasho arrimaha Dalka Soomaaliya iyadoo ay u tahay markii labaad oo ay cagaha soo dhigto Afrika tan iyo markii jagadani ay qabatay.
Nation
Posts: 35
Joined: Thu Dec 06, 2007 3:54 am

Re: Breaking News: Somali PM met US secretary of state Ms Rice!

Post by Nation »

Somali PM met US secretary of state Ms Rice. This is a step forward. Somalia has the attention it has been looking for finally.
User avatar
The_Emperior5
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 50031
Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
Contact:

Re: Breaking News: Somali PM met US secretary of state Ms Rice!

Post by The_Emperior5 »

Like its a big deal she was in the same class as Prof ahmed ismacil samatar
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”