Battle eneters second day and intensifies in Mogadishu

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
User avatar
Adan*5
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 644
Joined: Sat Nov 24, 2007 11:18 am
Location: Geeska Afrika

Battle eneters second day and intensifies in Mogadishu

Post by Adan*5 »

in daylight,,From Bakara Market all the way to Huriwa district its fierce fighting going on..called there now,.last news is that many puppet soldiers have defected from TFG and joined their repective clans which is supporting the liberation front..This is very good developement masha allah,...and top commanders Adan Xashi and Abuu Mansuur are in front today leading the uprise...Guul ..Allahu Akbar.

Dagaalkii ugu kululaa Mudo Bil ah oo Maalin cad dhaca oo ka socda Degmada Yaaqshiid ee M/Muqdisho

Beerdhiga 13.12.2007 13:46

Dagaalkii ugu kululaa mudo bil ah oo maalin cadd dhaca ayaa ka socda inta u dhaxeysa Deegaanka Towfiiq iyo Warshadda hore ee Baastada Ex-Conrtol Balcad ee magaalada Muqdisho.

Ilo xog ogaal ah oo ku dhadhaw muqaawmada ayaa sheegay in abaare 10:00 subaxnimo iyo qadar daqiiqado ah uu dagaalku bilowday isla markaana uu yimid ka dib markii ciidamada gumeysiga itoobiya ay isku dayeen in ay baaritaano ka sameeyaan xaafadaha Towfiiq iyo Dayniile degmada Yaaqshiid ee magaalada Muqdisho.

Dagaalkan ayaa ah isagu mid ka fool ka fool ah isla markaana la isku adeegsanayo madaafiicda cul-culus iyo waliba hubka kale ee sida daran dooriga u dhaca,iyadoona la sheegayo in dhamaan Xoogaga Muqaawamada ay si wada jir ah uga wada qeyb qaadanayaan dagaalkan iyaga oo hal saf ah.

Ciidamada gumeysiga oo iyagu si aan kala joogsi lahayn u isticmaalaya madaafiicda ka dhacada taangiyada iyo BM-ka ayaa la sheegayaa in dib loo soo riixay isla markaana laga hor-joogsaday baaritaankii ay ka damacsanaayeen in ay ka sameeyaan degmada Yaaqshiid ee magaalada Muqdisho.

Dagaalkan oo wali socda ayaa illaa iyo hadda aan la sheegi karin khasaaraha dhabta ah ee soo gaaray Ciidamada Gumeysiga Itoobiya , iyada oo la filayo in ay jiraan khasaarooyin baaxad leh oo soo gaaray,

Dagaalkan ayaa isagu ku soo beegmaya iyada oo xalay ay xoogaga muqaawamada Soomaaliyeed weerareen 9 goob oo kala duwan kuwaas oo kala ah:-
1- Wasaarada gaashaandhiga.
2- Warshadii hore ee Baastada
3- Xaruntii hore ee guul-wadayaasha
4- Guriga maareeyaha Dekada Muqdisho Cabdi Jeenoow
5- Shaneemo shiirkole
6- Wadada Dabka
7- Xarunta xisbiga
8- Garoonka Isbartiibada
9- Iyo guryaha Saraakiisha

Xoogaga muqaawamada ayaa iyagu bilahan danbe wada qorshayaal Balaaran oo ay kula dagaalamayaan ciidamada gumeysiga itoobiya iyo waliba kuwa DFKMG ah ee la sheqeysa gumeysiga ee ku sugan qaar ka mid ah gobolada dalka Soomaaliya.
User avatar
Adan*5
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 644
Joined: Sat Nov 24, 2007 11:18 am
Location: Geeska Afrika

Re: Battle eneters second day and intensifies in Mogadishu

Post by Adan*5 »

Dayniile also writing about the TFG soldiers that switched side..gobanimo up
User avatar
Adan*5
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 644
Joined: Sat Nov 24, 2007 11:18 am
Location: Geeska Afrika

Re: Battle eneters second day and intensifies in Mogadishu

Post by Adan*5 »

Dayniile also writing about the TFG soldiers that switched side..gobanimo up

Dagaal qaraar oo leysku jiliba dhigtay oo ka socda Muqdisho
Muqdisho
Dagaal kii ugu xooganaa ayaa mar kale ka qarxay Saakay inta u dhaxeysa Wasrshada Sigaarka iyo Taraqa ilaa iyo Hurwaa kaasoo u dhaxeeya ciidamada xaq u dirika iyo ciidamada gumeysiga cusub iyo daba dhilif yadooda kaasoo sida la sheegay dib loo soo riixay kuwa ku soo dilay dalka iyo karaanyashoodii.

Dagaalka oo ah mid daba socda kii xalay ayaa u muuqda mid sii xoogeysanaayo kadib markii dagaalka noqday mid naf la caarinimo lagu dirirayo maxaayeelay koley haduu gumeysiga kuqabta waa ku diliyaan taasoo keentay in qof walibaa uu qaata qorogeysa isagana dhiciya cadowga ku soodalay oo u yimid maataleynta-


Dagaalkaan oo markii horey ay ka garab dirirayaan kooxaha kacdoonka ciidamo horey uga tiranaa kuwa dowlada kuwaas oo beel ahaan uga soo goay ciidamdii gumeysiga markii ay arkeen in ay u yimadeen in ay dalka qabsadaan ,maalmahaan ayaa waxaa jirtay in ciidamada Dowlada ay isaga soo cararayeen ciidamdii iydoona beel walibana ciidankoodii ay ku sooo buuriyaan dagaalka loogala soo horjeeda ciidanka gumeysiga qarniga cusub ee Itoobiya
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”