Dagaal bey nagula jiraan...

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
User avatar
Adan*5
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 644
Joined: Sat Nov 24, 2007 11:18 am
Location: Geeska Afrika

Dagaal bey nagula jiraan...

Post by Adan*5 »

50,000 ciidan cadowga etoopia ayey keenneen,Mareekanka ayaa hub iyo dhaqalaba ku taageeray ,dad badan oo soomaali sheeganayay ee hogaaminayaan calooshood u shaqeystayaal arxan darran ayaa kalkaaliyay oo cadawga la saftay una sacab tumay,walina ka quusan..

maanta hal taaka ayey dhaqaaji waayeen,waxaa hor taagan wiilasha kaashanaaya Illaahey iyo shacabka nadiifkaa ee Soomaaliyeed,waa rag aanan har iyo habeen nasan oo marka oonku qabto cadawga dhiigiisa isku qaboojiyo..

Rag taariiqyada ayaa marqaati ka noqota ee dabadhilif halkuu ku dambeyn..

gumaadka iyo gardarada maatada lagula kacay,cadaawda iyo cuqadad xadka dhaaftay bal meel ha idin geyso kuwii cadowga la saftoow..

Guusha waxaa leh xaq u dirirka iyo kuwii Illahey tala saartey,.



Wararkii ugu dambeeyey ee dagaalo qaraar oo weli ka soconaya qeybo ka mid ah Muqdisho iyo qasaaraha ka dhashay hoobiyeyaashii Bakaaraha lagu duqeeyey oo sii kordhay

Dagaalo aad u qaraar ayaa waxay ka soconayaan qeybo ka mid ah degmooyinka Yaaqshiid Heliwaa iyo meelo kale oo ka mid ah magaalada Muqdisho, gaar ahaan wadada dheer ee warshadaha, kuwaasoo u dhexeeya ciidamada dowladda Itoobiya iyo dagaalyahno hubeysan oo ka soo horjeeda, iyadoo dagaaladaasina ay geysteen qasaarooyin kala duwan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Sida warku sheegayo dagaalka ayaa qarxay barqanimadii maanta markii dagaalyahano hubeysan ay weerar saf balaaran ah ku soo qaadeen ciidamo Itoobiyaan ah oo isku fidiyey inta u dhexeysa garoonka kubada cagta ee Muqdisho Istaadyum iyo isgoyska Ex-koontrool Balcad, kuwaasoo doonayey iney halkaasi ka fuliyaan howlgalo balaaran oo baaritaan ah, waxaana ka dib ka halkaasi ka bilowday dagaal fool ka fool ah oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Daryanka madaafiicda la isku adeegsanayey dagaaladaasi ayaa ahaa kuwo si aad ah looga maqlayey guud ahaa magaalada Muqdisho iyadoo qeybo ka mid ah xaafadaha magaaladana ay ku soo dhaceen madaafiic aad u culus oo ciidamada Itoobiya ay la soo eeganyeen goobaha ay ku badan yihiin dadka rayidka ah sida Suuqa Bakaaraha iyo meelo kale, ma cadda ilaa hadda qasaaraha ka dhashay madaafiicdaasi iyo dagaalada weli soconaya hase ahaatee Isbitaalka Madiina ee ,magaalada Muqdisho ayaa waxaa la garsiiyey dhaawaca illaa 50 qof saacado gudahood sida dhaqaatiirta isbitaalka ay xaqiijiyeen.

Warka ayaa intaa ku daraya in meydadka ciiodamo Itoobiyaan ah iyo kuwo kale oo Soomaali ah lagu arkay meelo ka mid ah goobaha lagu dagaalamayo sida wadada warshadaha, Iyadoo xaalada goobahaasi ka jirtana ay tahay mid aad u cakiran oo cabsi fara badan leh, waxaana deegaanadaasi oo sida la sheegayo ay ciidamada Itoobiya ka soo gurteen ay haatan bilaabeen madaafiic aad u calculus iney ku duqeeyaan ka dib markii ay iska caabin xoog leh ka hortimid, iyadoo illaa haddana uusan jirin mas’uul ka tirsan ciidamada DF oo ka hadlay dagaalkaasi.


Dhinaca kale, waxaa sii korsdhay qasaaraha ka dhasdhay illaa saddex madfac oo hobiye ah oo barqanimadfii maanta ku soo dhacay qeybo ka mid ah Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho ka dib markii ay dhinteen qaar badan oo ka mid ahaa dadkii dhaawaca ahaa ee la geeyey isbitaalka Madiina, waxaa tirada dadkii ku dhintay hoobiyeyaashaasi ay gaartay illaa 13 ruux halka dhaawaca lagu sheegay in ka badan 20 kale oo qaarkood xaaladooda laga deyrinayo waxaana jira madaafiic kale oo ku dhacay qeybo ka mid ah magaalada kuwaasoo illaa hadda aan la ogeyn qasaaraha ay geysteen

Xafiiska war qabadka Dayniile
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”