Page 1 of 1

Heeggan ballaaran oo maanta la galiyey ciidamada Kismayo

Posted: Sat Dec 15, 2007 10:56 am
by CoolPo1son
Heeggankan maanta la galiyey qeybaha kala duwan ee ciidamada magaalada Kismaayo sida kuwa nabadgelyada iyo qeybaha xeryaha keydka ku ah ayaa saraakiisha ciidamada magaalada Kismaayo waxaa ay ku sheegeen inay la xiriirto kadib markii laga war helay kooxa ammaanka Jubbooyinka qalqal galin ku soo wada oo abbaabullo ciidamo ka wada meela katirsan G/J/dhexe.



Afhayeenka ciidamada magaalada Kismaayo C/risaaq Aadan Faarax (Suufi) oo maanta wariyayaasha kula hadlay Hotel Tawakal ee magaalada Kismaayo ayaa sheegay in heegganka sababtiisa ay tahay kagadaala markii ay heleen xog buuxda oo muujineysa ciidamo lagu abbaabulayo aagag ku dhow degmada Jilib ee G/J/dhexe oo uu xusay in ay dagaal ku soo wadaan magaalada Kismaayo, islamarkaana buu yiri ay doonayaan in ammaanka oo hadda meel fiican maraya ay qalqal galiyaan.



“Ciidamada noocyadooda kala duwan heeggan ayaa la galiyey, waxaanu helnay information ah in ciidamo ay isku urursanayaan W/bari iyo W/galbeed degmada Jilib” ayuu yiri afhayeenka ciidamada Kismaayo C/risaaq Aadan Faarax (Suufi) oo intaasi raaciyey in ay ka war hayaan lix gaadiidka dagaalka ee Technic-da oo ka yimid G/J/hoose in ay soo gaareen J/dhexe qeyba ka tirsan.



C/risaaq Suufi ayaa magac dhabay shaqsiyaad uu sheegay in ay horkacayaan ciidamada isku urursanayo J/dhexe, wuxuuna ku goodiyey in tallaabo ay ka qaadi doonaan haddii ay isku dayaan in ay Kismaayo duullaan ciidan ku soo qaadaan.



Magaalada Kismaayo oo ay gacanta ku hayaan ciidamo horay uga tirsanaan jiray guutooyinkii koowaad iyo saddexaad ee ciidamada xooga dalka DKMG ah ayaa horaantii iyo bartamihii sanadkan waxaa ku dagaalamay laba ciidan oo dowladda taabacsanaa, kuwaasoo qaab qabiil u hardamay hase ahaatee waxaan la ogeyn kooxaha haaatan saraakiishu ay sheegeen ee Kismaayo weerarka ku soo ah sida ay hadalka u dhigeen ujeedkooda iyo waxa ay u socdaan intaba.



Maxamed Xaashi Tawakal, Gedoweb Kismaayo