Maayorki Magaalada Berbera oo ku geeriyooday shil Babuur....
Posted: Sat Dec 15, 2007 2:40 pm
Inaanilahi wa inala raajacun, illahay ha uu naxariisto... He was a great Mayor doing so much for Berbera..........RIP
Maayorkii magaalada Berbera, Siciid Daa’uud iyo askari ka mid ah Ilaaladiisii ayaa maanta ku geeryoodey shil gaadhi oo ka dhacay jidka isku xidha Hargeysa iyo Berbera.
Alle ha u naxariistee, Siciid Daa’uud iyo askariga la socdey waxay geeryoodeen, kadib markii gaadhigii Maayorka oo ay ku safrayeen uu ku qallibmey meel u dhexaysa Degmada Dacarbudhuq iyo Tuulada Abdaal, iyaga oo ka ambabaxay magaalada Hargeysa, una sii jeedey Berbera. Waxaana la sheegay in gaadhiga uu u baxay taayir, sidaana uu ku qallibmey gaadhigu.
Labada Marxuum waxa meydkooda loo qaaday Berbera, halkaas oo caawa lagu aasayo.
Wadadka isku xidha magaalooyinka Berbera iyo Hargeysa ayaa ah waddada ugu shilalka badan dalka, uguna khasaaraha badan.
Madaxweynaha Somaliland, mudane Daahir Riyaale Kaahin iyo Madaxweynekuxigeenka, mudane Axmed Yuusuf Yaasiin ayaa dhambaallo tacsi ah u diray qoysaskii, qaraabadii iyo Shacbiga Somaliland, ee ay ka baxeen maayorka iyo askariga ku geeryoodey shilka gaadhi.
Dhinaca kalena, hal qof ayaa ku dhintay 25 kalena way ku dhaawacmeen shil gaadhi oo isna maanta jidka laamiga ah ee u dhexeeya Burco iyo Caynabo.
Sida ay sheegayaan wararka ka imanaya magaalada Burco, shilkaasi waxa sababay gaadhi nooca xamuulka qaada ah oo ku qallibmey meel u dhow Tuulada Ina Afmadoobe oo bariga ka xigta magaalada Burco, iyada oo la sheegay in gaadhigaasi uu ka yimi magaalada Muqdisho ee Soomaaliya.
Qofkii ku dhintay iyo dadkii ku dhaawacmay Shilkaas ayaa loo soo qaaday magaalada Burco, halkaas oo lagu aasay marxuumka ku geeryoodey shilka, iyada oo Cusbitaalka guud ee magaaladana lagu daaweynayo dadkii ku dhaawacmay.
Toddobaadkii hore ayaa shil ka dhacay jidka isku xidha magaalada Burco iyo Degmada Caynaba waxaa ku geeryoodey waxa ku geeryoodey xildhibaan ka tirsanaa golaha Guurtida Somaliland, mid kalena wuu ku dhaawacmay.
C/risaaq M. Dubbad, Somaliland.org, Hargeysa