Kulamo isdaba joog ahaa oo ay wada lahaayeen beelaha sade iyo jareer ee gobolada Jubbooyinka ayaa maanta manta lagu soo gaba gabeeyay hotel Barwaaqo ee magaalada kismaayo mas,uuliyiinta labada dhinac ee kulakaas ka qayb gashay ayaa waxa ku sheegeen in ujeedadiisu ay ahay in la joogteeyo xiriirka darisnimo iyo kan saaxiibtinimo ee labada beelood iyo la iska kaashado arimaha nabad galyada dib,uheshiisiinta iyo horumarinta bulshooyinkooda.
Mas,uuliyiin aad u fara badan oo kazoo kala jeeda labada dhinac ayaa aad uga hadlay sida ay lagama maarmaanka u tahay in in ay heshiiyaan beelaha Jubbooyinka si loo gaaro himilooyinka la higsanayo ayadoo meesha lagu soo darayo in qorshe isku tashi ee dadka Gobolladan oo ka mid ah gobollada ay aafeeyeen dagaallada sokeeye ee dalka ka dhacayay dhawr iyo tobankii sano ee ugu dambeeyey kuwas oo ragaadiyay dhammaanba wixii hour mar ah ee ay gaari lahaayeen dadka Goballadaas.
Gabagabadii kulanka ayaa waxaa loga dhawaaqay Gole hogaaamin oo ay lee yihiin kuwaas oo ay kuwada jiran dhammaan degmooyinka iyo tuulooyinka ay degaan beelaha Jareer wayne ee gobollada Jubbooyinka waxaana golahaasi guddoomiye looga dhogay Sheekh Ibraahin Sheekh cCbdi Sheekh Nuur xuseen ayadoo ay sheegeen Golaha dhaqanka ee beelaha Jareer in golahaan hogaaminta ay yihiin kuwa kaliya ee matala beelsha Jareer ee gobollada Jubbooyinka oo aysan jirin ayay yiraahdeen cid kale oo sheegan karta in yihin hogaamiyayaasha beelaha jareer.
Kulamadaan ayaa waxa ay qayb ka yihiin ka yihiin dadaallo xoogan oo ka soconayo magaalada kismaayo oo ay garwadeen ka tahay besha Sade oo lagu doonayo in lagu saaro dhammaan wixii Caqabado ah ee ka hor imaan karo Shirka Dib u hwshiisiinta ee lagu wado in uu dhawaan ka furmo magaalada kismaayo in ay beeshu hagaajiso xiriirka ay la leedahay beelaha kale ee deegaanka waxana jiray ballan qaad hore oo uu golha siyaasadda ee beesha sade ku sheegay in uu cid kasta oo diinaysa in ay la yeelato daris wanaag iyo wada noolaansho ay diyaar u tahay soona dhawaynayso.
Goddoomiyaha guddiga siyaasadda ee beesha Sade Dr C/rizaaq Faarax Taano ayaa isaguna markii loo caleemo saaraya xilkaasi muddo haatan laga joogo shan Usbuuc hadal uu ka jediyay goobtii caleemo saarka ku sheegay in uu hagaajin doono xiriirtka bulshooyinka soomaaliyeed ee gobollada ee Jubbooyinka iyo I n uu geed dheer iyo geed gaabanba u fuuli doono sidii uu qabsoomi lahaa shirka dib u heshiisiinta ee qaarka ka midah beelaha gobolka uga furmi doono magalada Kismaayo.
Xasan Xareed Axmed-GEDO-NN
Shir Ay Maanta Kismaayo Ku Yeesheen Beelaha Sade Iyo Jareer
Moderators: Moderators, Junior Moderators
- CoolPoisons
- SomaliNet Super
- Posts: 10533
- Joined: Sun Dec 16, 2007 7:23 am
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 29 Replies
- 2966 Views
-
Last post by Khalid Ali
-
- 0 Replies
- 425 Views
-
Last post by kaliil
-
- 30 Replies
- 2199 Views
-
Last post by Siciid85
-
- 17 Replies
- 1351 Views
-
Last post by SuldaanOfSanaag
-
- 0 Replies
- 310 Views
-
Last post by CoolPoisons
-
- 2 Replies
- 7185 Views
-
Last post by GeoSeven
-
- 6 Replies
- 724 Views
-
Last post by Siciid85
-
- 3 Replies
- 64 Views
-
Last post by SahanGalbeed
-
- 13 Replies
- 1135 Views
-
Last post by Dhaga Bacayl