Breaking news : Kismayu captured by Turki wa guul.

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
The_Patriot
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 20702
Joined: Wed Jun 28, 2006 9:39 am

Breaking news : Kismayu captured by Turki wa guul.

Post by The_Patriot »

Cadde oo qirey in uu heshiis la galey Daahir Riyaale
17 Dec 17, 2007 - 5:55:46 AM


Xildhibaanada Barlamanka Puntland oo maanta Dec17, 2007 kulan buuq badan dhaliyey isugu yimid ayaa su'aalo ku weydiiyey Madaxweynaha DGPL Cadde Muse.

Kulakaan ayaa Cadde Muse waxaa lagu weydiinayey su'aalo la xiriira sababta xukumada Puntland talaabo wax looga qabanayo xaalada magaalada Lascaano u qaadi weydey iyada oo mudadii 30 casho aheyd ee loo qabtey dhamaatey.

Madaxweynaha PL oo kulankii maanta Xildhibanada dib uga codsadey in waqti dheraadla siiyo ayaa dalabkiisa kor u qaadey buuqii ka taagnaa Barlamanka kaas oo sababtey in saxaafada dibada looga saaro fadhiga kadib markii ay codsadeen madaxda sare ee dowlada.

Xildhibaanda Barlamanka ayaa diidey in saxaafada dibada looga saaro kulankaas iyada oo buuq badan kadib loo ogolaadey in suxufiyiinta dib looga soo celiyo goobta doodaan ka socotey balse laga codsadey in ay joojiyaan duubista su'alaha Madaxweynaha DGPL laga weydiinayo arrimaha gobolka Sool.

Xubin ka tirsan Xildhibaanada laga soo doortey gobolka Sool ayaa Madaxweynaha PL weydiiyey su'aal la xiriirta waxaa ka jira warar sheegaya in dib u soo celin la'aanta Laascaano qeyb ka tahay heshiis uu la soo galey Madaxweynaha Somaliland Daahir Riyaale xiligii uu hogaaminayey jabhadii [GDP] mucaradka ku aheyd Madaxweynahii hore ee Puntland Cabdulahi Yusuf.

Madaxweynaha DGPL oo ka jawaababyey su'aashan ayaa jirtaanka heshiiskan qirey isaga oo sheegey in uu jiro isla markana uusan wax faahfaahin ka bixineyn.

Xildhibaanada Barlamanka ayaa hadalka Cadde Muse kadib ku dhawaaqey in uu sameyey khiyaamo qaran taas oo sababtey in Madaxweynahu ku dhawaaqo in kulanku xiran yahay.

Xubnaha Barlamanka ayaa ka biyo diidey dalabka Madaxweynaha iyaga oo sheegey in uusan xiri karin kulankaan iyada oo buuq badan kadib cod loo qaadey fadhigaan la xiro iyo in kale kaas oo Xildhibaanada Barlamanka dhamaantood isku raaceen sii socda kalfadhigaan.

Madaxweynaha Puntland oo aad u careysan ayaa kulankaas isga baxey iyada halkii ka sii socdeen kulamadii xildhinaada.

Fadhiga Barlamanka PL ayaa ku soo beegmey maalin kadib markii Madaxweyne Cade Muse isku shaandheyn aan sidaas u buureyn ku sameeyey golihiisa xukuumada,

Garowe Online,Garowe
The_Patriot
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 20702
Joined: Wed Jun 28, 2006 9:39 am

Re: Breaking news : Kismayu captured by Turki wa guul.

Post by The_Patriot »

Cadde oo qirey in uu heshiis la galey Maamulka Somaliland ee uu hogaamiyo Daahir Riyaale
Warkii 17-Dec-2007 iyo Qormadii: Afnugaal News Desk.
Xildhibaanada Barlamanka dawlad goboleedka Puntland oo maanta yeeshay kulan ay ku dhagaysanayeen xukuumada Cadde,su'aalona weydiinayey ayaa ku dhamaaday in lagu kala dareero,iyadoo la isu dhaaranayo,oo afkahadal iyo buuq la isku sii salaamayo.

Kulakaas ayaa madaxweyne Cadde Muse waxaa lagu weydiinayey su'aalo ku saabsan sababta xukumada Puntland ay gacanteeda ugu soo celin weydey magaalada Lascaanood, iyada oo mudadii 30 casho aheyd ee loo qabtey dhamaatey dhowr wiig ka hor,welina ay Somaliland gacanta ku hayso magaaladaas.

Madaxweynaha PL oo kulankii maanta Xildhibanada dib uga codsadey in waqti dheraadla siiyaan ayaa dalabkiisa kor u qaadey buuqii ka taagnaa Barlamanka kaas oo sababtey in saxaafada dibada looga saaro fadhiga kadib markii ay codsadeen madaxda sare ee dowlada,si aan loo ogaan waxa meesha ka socda,iyo jawaabaha uu bixin doono Cadde,oo aan ahayn kuwo cad.

Xildhibaanda Barlamanka ayaa iyagu diidey in saxaafada dibada looga saaro kulankaas iyada oo buuq badan kadib loo ogolaadey in suxufiyiinta dib looga soo celiyo goobta doodaan ka socotey balse laga codsadey in ay joojiyaan duubista su'alaha Madaxweynaha DGPL laga weydiinayo arrimaha gobolka Sool.

Xubin ka tirsan Xildhibaanada laga soo doortey gobolka Sool ayaa Madaxweynaha PL weydiiyey su'aal la xiriirta waxaa ka jira warar sheegaya in dib u soo celin la'aanta Laascaano qeyb ka tahay heshiis uu la soo galey Madaxweynaha Somaliland Daahir Riyaale xiligii uu hogaaminayey jabhadii [GDP] mucaaradka ku aheyd Madaxweynahii hore ee Puntland Cabdulahi Yusuf,ee dagaalada ba'ani ka dhaceen deegaankaas.

Madaxweynaha DGPL oo ka jawaababyey su'aashan ayaa jirtaanka heshiiskan qirey isaga oo sheegey in uu jiro isla markana uusan wax faahfaahin ka bixineyn.

Xildhibaanada Barlamanka ayaa hadalka Cadde Muse kadib ku dhawaaqey in uu sameyey khiyaamo qaran taas oo sababtey in Madaxweynahu ku dhawaaqo in kulanku xiran yahay,oo lagu kala tago meesha.

Xubnaha Barlamanka ayaa ka biyo diidey dalabka Madaxweynaha iyaga oo sheegey in aanu xidhi karin fadhiga baarlamaanka,awoodaasna aanu lahayn,intaas kadib kulankaan ayaa waxaa is qabsaday sawaxan,cay,hanjabaad,intaas kadib cod loo qaadey in la xidho iyo in kale kulankaas,ayaa Xildhibaanada Barlamanka dhamaantood isku raaceen in ay fadhigooda sii wataan,oo hawlaha u yaala ka wada hadlaan.


Madaxweynaha Puntland oo aad u careysan ayaa kulankaas isga baxey iyada halkii ka sii socdeen kulamadii xildhinaada,iyadoo ay madaxweynaha raaceen xildhibaano taageersan oo ka soo jeeda gobolada Bari.

Cadde ayaa shalay magacaabay wasiiro u badan kuwii hore oo aan la garan karin waxay bedeli doonaan.

Xildhibaanadii baarlamaanka ayaan ilaa hada soosaarin wax go'aamo ah,iyadoo uu hadheeyey buuq iyo maamul xumo golahaas.

Afnugaal News Desk.Garoowe.
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”