[quote="Luq_Ganane"]Dhulbahante will not be abused in Somaliland Inshallah. I'll be honest when I hate seeing Idoors in xarun Darood (Lascanood) laakin Dhulos had weak allies.NOBODY talks more about "Daaroodnimo" "Hartinimo" "Kablalaxnimo" "Tigry-Kombenimo" than Majerten aka (Ma cararteen). Now they've abandoned Dhulos after they helped Puntland all those years, and Somaliland militia came in. Unfortunate.
On the bright side, my Warsangeli soldiers have their shid together with Maakhir State. Issaqow you gotta be crazy if you think inaad isku walwaali kartiin the powerful Warsengeli.
Stay on your side of Sanaag

[/quote]
kii jabartii sii fiican uu jab
hadaa bu lacataydii kuu noolyahay
Xawaalaad Dahabshiil ee Laascaanood oo mucaawino raashin ah gaadhsiisay deegaanada Gobolka Sool(Sawi
Warkii 17-Dec-2007 iyo Qormadii: Afnugaal News Desk
Xawaalada Dahabshiil ee Laascaanood ayaa mucaawino raashin ah gaadhsiisay qaar kamid ah deegaanada hoos yimaada Gobolka Sool oo ay uqaxeen dadkii ka barakacay dagaaladii ka dhacay Gobolka Sool ee u dhaxeeyay maamulada Somaliland iyo Puntland.
Degmada yagoori oo ka tirsan deegaanka Gobolka Sool ayaa waxaa maanta xawaalada Dahabshiil gaadhsiisay mcaawino raashin ah kuwaas oo loogu talogalay in lasiiyo dadkii ubarakacay deegaankaasi iyo waliba dadka tabaalaysan ee aan waxba haysanin.
Waxaa goobtaasi dadkii tabaalaysnaa wax uqaybinayay maayar kuxigeenka Degmadaasi Aadan Cabdi Gaas iyo agaasimaha laanta Dahabshiil ee Degmada Yagoori Muuse Maxamed cabdi(Indhoyare) oo qaybinayay mucaawinada qaybaha ay ka kooban yihiin ee ay u bixisay Xawaalada Dahabshiil Laascaanood oo kala ah Bur,Sonkor iyo Saliid.
Hadaba waxaa goobtaasi ka hadlay markii ay dhameeyeen shaqdaasi Maayer kuxigeenka Degmada Yagoori Aadan Cabdi Gaas, agaasimaha laanta Dahabshiil ee Degmada Yagoori Muuse Maxamed cabdi(Indho yare),Diiriye Axmed Xiis iyo Yaasiin Maxamed Daad kuwaas oo si wayn ugu mahad celiyay mucaawimada ay soo gaadhsiisay xawaalada Dahabshiil oo ay ugu deeqday dadka barakacy.
Hadaba xawaalada Dahabshiil ee Laascaanood ayaa waxa ay wax ka qabatay baahiyaha ka taagan Gobolka Sool inta ay awood uyeelatay iyadoo ay tan maanta ugu danbayso sidoo kale waxaa iyana maalinta barri ah loo qaybin doonaa Degmooyinka Xudun,Kalabaydh iyo tuulada Tukaraq halka ay sidoo kale Isbitaalka Guud ee Laascaanood wax ka qabatay oo ay ku kordhisay qaybo cusub hadaba ilaa hadda waxaan lahayn shirkadaha kale ee magalaada Laascaanood oo aan wax mucaawimo ah gaadhsiin dadkii barakacay marka laga reebo shirkada Telesom.