MY BUUHOODLE TRIP

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
JeyR
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 468
Joined: Tue Aug 05, 2003 7:00 pm
Location: from

MY BUUHOODLE TRIP

Post by JeyR »

Waxaan ka duulay Kenya Oct.30 waxaan ka degay magaalada Hargaisa Somalia. Waxaaan gaadhi ka raacay Hargaisa Anigoo u socda Dhanaca Burco, galabnimadii waxaan gaadhay burco. Burco way dhisantay inkastoo ay wali kobcayso. Subixnimadii danbe waxaan gaadhi ka raacay Burco anigoo u socda Buuhoodle. Markaan dhaafay meesha kala badha Buuhoodle iyo Burco waxaan galay dhul aad iyo aad green ama doog u ah oo neecaw macaani ku marayso. Intii aan wadada ku jiray waxaan aad ula yaabay gawaadhida ka soo baxaysa Buuhoodle ee wadada aanu isku dhaafayno oo aan kala go lahayn. Deegaanku waa nabad, waana dhul aad iyo aad u qurux badan, waxaa taa sii dheer ganacsiga oo si aan caadi ahayn uga socda agagaarka Buuhoodle.

Markii aan kaantroolka Buuhoodle is taagany, waxaa nala waydiiyey inaanu wadno wax hub ah, iyo meesha aanu u socono. Waanu u sheegnay inaanan wax huba wadin balse gaadhigu u socdo inuu alaab ka qaado Buuhoodle oo geeyo Burco. Way nasii daayeen qadar daqiiqado ah ka dib. Markaanu Magaaladii galayba waxaa indhahaygu qabteen dhismoyaal aad iyo aad u waawayn una qurux badan, waa markii iigu horaysay waligay magaalada buuhoodle, waxaa taa sii dheer dadka magaalada joogaa oo qayral caadiya. Huteelkii aanu ku dagay waxa uugu yaabka badnaa waxay ahayd, laydhka magaalad oo shidan afar iyo labaatan saacadood oo aan la damin, markaan waydiiyes dadka waxay ii sheegeen in laydhka magaalada aan la damin sideedii sanadood ee u danbaysay, yaab bay igu noqotay, waayo Hargaisa laydhka waa la damiyaa maalintii saacado. telephonkii, internetkii iyo TV sedexdaasiba waxay ka mid yihiin waxyaabihii aan kula yaabay magaalada, telephonka, internet iyo TV waxay dadku bixiyaan lacag aad iyo aad u yar bishiiba. Waxaa sii dheer Telephonada Gacanta oo aad u jaban, waxaan kula yaabay waxaa jooga magaalada dad ka tegay North America oo haysta telephonadoodii gacanta oo ka bilaabma 612 or 614 oo local u wacaya U.S iyagoo jooga Buuhoodle, waana waxa iga yaabisay ee aanan ku arag meel kale oo Africa ah.

Dadka Magaalada Degani waa wada (qaldaamiin) waana dad aad iyo aad u fani ah, oo aad iyo aad u fur furan, waana dad aad iyo aad habi u ah. Badeecada Magaaladu waa mid aad u jabin marka loo eego Hargaisa iyo Burcaba, dadku waxay aad u cunaan qaadka, hilibka iyo caanaha oo magaaladu hodon ku tahay.

Magaalada waxaa ka socda ganacsi aad iyo aad u badan, waxaa habeen iyo maalin laga dhoofiyaa xoolaha nool sida, adhiga, geela, loda, waxaana maalinkii ka baxa ilaa 300 oo neef oo la geeyo Boosaaso iyo Berbara, waxaana Boosaaso Laga keenaa Raashinka, Bagaashka, Gawaadhida, Qalabka dhimaha, iyo waxayaabo kale oo badan. Xoolaha waxaa laga keenaa ilaa wardheer,gaashaamo, dhoqoshay, qaloocan. Magaalada waxaa jooga qabiil walba oo somaaliya, waayo Magaaladu waxay noqotay xarun ganacsi, waxaana hoostage magaalada ilaa 51 magaalo oo ku xeeran, waxaa magaalada dadka ku nool lagu qiyaasaa ilaa Boqol iyo sideetan kun oo qof, iyadoo ay magaalada malinkii yimaadaan ilaa boqol kun oo qof oo ka adeegta magaalada kuwaasoo ka yimaada deegaanada ku xeeran.

Magaaladu waxay leeday dugsi dhexe, dugsi sare,(high school) iyo ilaa lix iskool oo barayfad ah, Waxaa laga soo saary Biyihii oo magaaladu waxaa loo sameeyey qasabado, Laydhka magaalada oo aan la damin habeen iyo maalinba. waxaa taas sii dheer waxaa laga dhisay Cusbitaalka ugu wayn Soomaalia oo ah ka ugu Casrisan, waxaa dhaqtarkaa jooga dakhaatiir ajinabi ah. Magaaladu aad iyo aad bay u waynaatay, una dhisantay, wax yaabaha ugu qaalisan waa iibka dhulka. Magaalada ma arkaysid cid qori ku dhex sidata marka laga reebo ciidamada amniga mooyee. That is my trip and it was amazing....
Hope you enjoy
Abdi Ali
U.S.A
User avatar
X.Playa
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 17317
Joined: Sun Mar 17, 2002 7:00 pm
Location: Canada,Hawd

Re: MY BUUHOODLE TRIP

Post by X.Playa »

"Dadka Magaalada Degani waa wada (qaldaamiin)"

What a fkken Jaamuus , what did he expect? Walaweyns , this Togdheer province not fkkeen Shabeelada Hoose..

Waxaas baa somali kula sheeganaya
JeyR
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 468
Joined: Tue Aug 05, 2003 7:00 pm
Location: from

Re: MY BUUHOODLE TRIP

Post by JeyR »

[quote="X.Playa"]"Dadka Magaalada Degani waa wada (qaldaamiin)"

What a fkken Jaamuus , what did he expect? Walaweyns , this Togdheer province not fkkeen Shabeelada Hoose..

Waxaas baa somali kula sheeganaya[/quote]

Brother angia waa markii iigu horaysay, waxaan ku dhashay koonfur, sababta aan u idhi waa qaldaamiin, sida ay u hadlayaan waad ku qoslaysaa.... waryee.. dee. war..lol Surprised Surprised
User avatar
Mystic_Angel
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 4308
Joined: Mon Nov 28, 2005 7:21 pm
Location: we are the living graves of murdered beasts, how can we expect any ideal conditions on somalia?
Contact:

Re: MY BUUHOODLE TRIP

Post by Mystic_Angel »

jeyr cano geel mano wada? mise adiga un ba iska fekera?? Laughing
JeyR
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 468
Joined: Tue Aug 05, 2003 7:00 pm
Location: from

Re: MY BUUHOODLE TRIP

Post by JeyR »

quote="Mystic_Angel"]jeyr cano geel mano wada? mise adiga un ba iska fekera?? Laughing[/quote]


Caanihii geela way ii diideen oo ariboodkay igaga qubeen..lol.. too bad.. next time
siciid harti
Posts: 164
Joined: Mon Aug 13, 2007 12:34 pm

Re: MY BUUHOODLE TRIP

Post by siciid harti »

nice trip ind but ciidanka meesha jooga ma kuwii iidoorka ahaabaa mise waa kuweenii
siciid harti
Posts: 164
Joined: Mon Aug 13, 2007 12:34 pm

Re: MY BUUHOODLE TRIP

Post by siciid harti »

waxaad iiga warantaa oo kale nimankii reer hagar ahaa ee laayey 15-ka nin ee khaalidka ahaa masidaas ayaa lagu cafiyey mise wali waa la isku aamusan yahay
User avatar
kambuli
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 17268
Joined: Thu Jul 28, 2005 3:20 pm
Location: Proud Toothless Old Faqash Woman

Re: MY BUUHOODLE TRIP

Post by kambuli »

Saciid Harti,

Ka warran haddaad ka dhex baxdo arrimaha Reer Buhoodle? Maxaad isugu afuufi? Xataa garan maysid qolada ay ahaayeene..

JeyR,

Tell about water project? How is the water supply now ? Cool
JeyR
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 468
Joined: Tue Aug 05, 2003 7:00 pm
Location: from

Re: MY BUUHOODLE TRIP

Post by JeyR »

[quote="siciid harti"]waxaad iiga warantaa oo kale nimankii reer hagar ahaa ee laayey 15-ka nin ee khaalidka ahaa masidaas ayaa lagu cafiyey mise wali waa la isku aamusan yahay[/quote]

Siciid Harti, Magaaladu waa magaalo aad u wayn, dhibaatadii dhacdayna waa laga heshiiyey, wax dhibaato ahina ma dhextaal dadka meesha degan.. Aan ku saxee dhibaatadu waxay ka dhex dhacday REER HAGAR iyo HAYAAG not khaalid...Ciidanka meesha joogaa waa dadka deegaanka iyo Puntland
Last edited by JeyR on Tue Dec 18, 2007 12:41 pm, edited 1 time in total.
JeyR
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 468
Joined: Tue Aug 05, 2003 7:00 pm
Location: from

Re: MY BUUHOODLE TRIP

Post by JeyR »

[quote="kambuli"]Saciid Harti,

Ka warran haddaad ka dhex baxdo arrimaha Reer Buhoodle? Maxaad isugu afuufi? Xataa garan maysid qolada ay ahaayeene..

JeyR,

Tell about water project? How is the water supply now ? Cool[/quote]

The water project waxaa la ii sheegay in niman dhalin yaro ah oo degan North America ay bihyaha ka soo saareen Magaalada, iyagoo ku bixiyey lacag aad u badan. Fayskii hore wuxuu ahaa biyo soo saarida, waana la dhameeyey, fayskii labaad waa biyo galintii guryaha, taasina way socotaa, meelo waa la galiyey laakiin projectigu wuu socdaa.. insah ala waa la dhamayn doonaa bay ii sheegeen.
User avatar
Mystic_Angel
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 4308
Joined: Mon Nov 28, 2005 7:21 pm
Location: we are the living graves of murdered beasts, how can we expect any ideal conditions on somalia?
Contact:

Re: MY BUUHOODLE TRIP

Post by Mystic_Angel »

[quote="JeyR"]quote="Mystic_Angel"]jeyr cano geel mano wada? mise adiga un ba iska fekera?? Laughing[/quote]


Caanihii geela way ii diideen oo ariboodkay igaga qubeen..lol.. too bad.. next time[/quote]

Laughing Laughing Laughing @ariboodka....malinkasta kelmad cusub....anywho...yeah don't forget to bring us some on your way from buhodle....

i am thinking about seeing las cano next year...any suggestions on where to visit in the city for entertainment?? Smile
JeyR
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 468
Joined: Tue Aug 05, 2003 7:00 pm
Location: from

Re: MY BUUHOODLE TRIP

Post by JeyR »

Caanihii geela way ii diideen oo ariboodkay igaga qubeen..lol.. too bad.. next time[/quote]

Laughing Laughing Laughing @ariboodka....malinkasta kelmad cusub....anywho...yeah don't forget to bring us some on your way from buhodle....

i am thinking about seeing las cano next year...any suggestions on where to visit in the city for entertainment?? Smile[/quote]

I haven't seen the Nations Capital (Las Anod)for my trip due to the war, but Love to visit. I heard there is a nice Mountain around the city, and it has nice lakes as well. It has a night club call 54, heard about it..lol.. check it out, make sure to stop by Buuhoodle too it is amazing city.. have nict trip cuas..
JeyR
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 468
Joined: Tue Aug 05, 2003 7:00 pm
Location: from

Re: MY BUUHOODLE TRIP

Post by JeyR »

HEY I HEARD LASKA HAS NICE WATER FALLS TOO
User avatar
Mystic_Angel
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 4308
Joined: Mon Nov 28, 2005 7:21 pm
Location: we are the living graves of murdered beasts, how can we expect any ideal conditions on somalia?
Contact:

Re: MY BUUHOODLE TRIP

Post by Mystic_Angel »

Laughing Laughing thanks walalo...i'll do that... Cool
User avatar
Phd in naago kudis
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 6349
Joined: Sun Apr 22, 2007 7:41 pm
Location: Smoking Shiisha With Ali Baba

Re: MY BUUHOODLE TRIP

Post by Phd in naago kudis »

JeyR

dont u have to be somalilander in order to enter lascanod

outsiders need a permission

this what i have heard by the way
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”