MY BUUHOODLE TRIP
Posted: Tue Dec 18, 2007 10:13 am
Waxaan ka duulay Kenya Oct.30 waxaan ka degay magaalada Hargaisa Somalia. Waxaaan gaadhi ka raacay Hargaisa Anigoo u socda Dhanaca Burco, galabnimadii waxaan gaadhay burco. Burco way dhisantay inkastoo ay wali kobcayso. Subixnimadii danbe waxaan gaadhi ka raacay Burco anigoo u socda Buuhoodle. Markaan dhaafay meesha kala badha Buuhoodle iyo Burco waxaan galay dhul aad iyo aad green ama doog u ah oo neecaw macaani ku marayso. Intii aan wadada ku jiray waxaan aad ula yaabay gawaadhida ka soo baxaysa Buuhoodle ee wadada aanu isku dhaafayno oo aan kala go lahayn. Deegaanku waa nabad, waana dhul aad iyo aad u qurux badan, waxaa taa sii dheer ganacsiga oo si aan caadi ahayn uga socda agagaarka Buuhoodle.
Markii aan kaantroolka Buuhoodle is taagany, waxaa nala waydiiyey inaanu wadno wax hub ah, iyo meesha aanu u socono. Waanu u sheegnay inaanan wax huba wadin balse gaadhigu u socdo inuu alaab ka qaado Buuhoodle oo geeyo Burco. Way nasii daayeen qadar daqiiqado ah ka dib. Markaanu Magaaladii galayba waxaa indhahaygu qabteen dhismoyaal aad iyo aad u waawayn una qurux badan, waa markii iigu horaysay waligay magaalada buuhoodle, waxaa taa sii dheer dadka magaalada joogaa oo qayral caadiya. Huteelkii aanu ku dagay waxa uugu yaabka badnaa waxay ahayd, laydhka magaalad oo shidan afar iyo labaatan saacadood oo aan la damin, markaan waydiiyes dadka waxay ii sheegeen in laydhka magaalada aan la damin sideedii sanadood ee u danbaysay, yaab bay igu noqotay, waayo Hargaisa laydhka waa la damiyaa maalintii saacado. telephonkii, internetkii iyo TV sedexdaasiba waxay ka mid yihiin waxyaabihii aan kula yaabay magaalada, telephonka, internet iyo TV waxay dadku bixiyaan lacag aad iyo aad u yar bishiiba. Waxaa sii dheer Telephonada Gacanta oo aad u jaban, waxaan kula yaabay waxaa jooga magaalada dad ka tegay North America oo haysta telephonadoodii gacanta oo ka bilaabma 612 or 614 oo local u wacaya U.S iyagoo jooga Buuhoodle, waana waxa iga yaabisay ee aanan ku arag meel kale oo Africa ah.
Dadka Magaalada Degani waa wada (qaldaamiin) waana dad aad iyo aad u fani ah, oo aad iyo aad u fur furan, waana dad aad iyo aad habi u ah. Badeecada Magaaladu waa mid aad u jabin marka loo eego Hargaisa iyo Burcaba, dadku waxay aad u cunaan qaadka, hilibka iyo caanaha oo magaaladu hodon ku tahay.
Magaalada waxaa ka socda ganacsi aad iyo aad u badan, waxaa habeen iyo maalin laga dhoofiyaa xoolaha nool sida, adhiga, geela, loda, waxaana maalinkii ka baxa ilaa 300 oo neef oo la geeyo Boosaaso iyo Berbara, waxaana Boosaaso Laga keenaa Raashinka, Bagaashka, Gawaadhida, Qalabka dhimaha, iyo waxayaabo kale oo badan. Xoolaha waxaa laga keenaa ilaa wardheer,gaashaamo, dhoqoshay, qaloocan. Magaalada waxaa jooga qabiil walba oo somaaliya, waayo Magaaladu waxay noqotay xarun ganacsi, waxaana hoostage magaalada ilaa 51 magaalo oo ku xeeran, waxaa magaalada dadka ku nool lagu qiyaasaa ilaa Boqol iyo sideetan kun oo qof, iyadoo ay magaalada malinkii yimaadaan ilaa boqol kun oo qof oo ka adeegta magaalada kuwaasoo ka yimaada deegaanada ku xeeran.
Magaaladu waxay leeday dugsi dhexe, dugsi sare,(high school) iyo ilaa lix iskool oo barayfad ah, Waxaa laga soo saary Biyihii oo magaaladu waxaa loo sameeyey qasabado, Laydhka magaalada oo aan la damin habeen iyo maalinba. waxaa taas sii dheer waxaa laga dhisay Cusbitaalka ugu wayn Soomaalia oo ah ka ugu Casrisan, waxaa dhaqtarkaa jooga dakhaatiir ajinabi ah. Magaaladu aad iyo aad bay u waynaatay, una dhisantay, wax yaabaha ugu qaalisan waa iibka dhulka. Magaalada ma arkaysid cid qori ku dhex sidata marka laga reebo ciidamada amniga mooyee. That is my trip and it was amazing....
Hope you enjoy
Abdi Ali
U.S.A