Page 1 of 1

BREAKING NEWS XOOGAGA MUQAAWAMA OO LA WAREEGAY

Posted: Tue Dec 18, 2007 12:11 pm
by Hiiraan boy
War deg deg ah: Kooxaha Muqaawamada Soomaaliya oo Caawa ku guulaystay in ay lawareegaan deegaano ay kusgnaayeen Ciidamada dowlada Federaalka Soomaaliya. 18 Dec 2007
Kooxaha Muqaawamada Soomaaliya ee dagaalka qaraar kula jirto Ciidamada gumaysiga Itoobiya ayaa caawa ku guulaystay in ay xooga uga saaraan Maleeshiyada dowlada C/laahi yuusuf deegaano dhowr ah oo ay shalay xoog ku qabsadeen.

Galabta Maqribki ayay Maleeshiyada C/laahi yuusuf iyo Ciidamada Itoobiya waxay isaga guureen deegaano katirsan degmada Huriwaa ee magaalada Muqdisho, abaarihii saacaddu markii ay kubeegnayd 6:30-maqribnimo ayay Ciidamada Itoobiya iyo Maleeshiyada C/laahi yuusuf baneyeen shaneemo Cabdi waayeel Warshadii hore ee Baraafuuka iyo suuqa xoolaha muqdisho.


Shalay ayay ahayd damrkii ay soo degeen halkaasii iyagoona dagaal qaraar kala kulmay kooxaha muqaawamada Soomaaliya, balse markii ay baxayeen ayay dad rayida kutoogteen xaafadahii ay baneeyeen, waa guul ay soo hoyeen kooxaha Muqaawamada ee diidan gumaysiga Ciidamada Itoobiya.