Cirro Aw-xirsi, ninka isku Col C/lahi Yusuf uu u doortay kala dilka iyo isku dirka Beesha SADE ayaa xaaladiisu iminka noqotay "Dhurwaa daalay dirirtiisa ayaa loo tagaa". Cirro oo samaystay kooxo u dhaga nugul jecelna inay rumowdo riyadiisa ah inuu mar uun arko isaga oo la leeyahay "Gudoomiye, Maamule iwm" ayaa bilaabay istaraateejiyo cusub oo ah inuu samaysto waraaqo been abuur ah isla markaasna iskudayo inuu adeegsado warbaahiyayaasha
Cirro ayaa sanadkaan 2007-ka u xuubsiibtay "Dagaal ooge beeleed" fidno badan. Waa nin qurbaha uga kaba gashaday dhibaataynta dadkiisa. Wuxuu wax badan isku dayey inuu mijo xaabiyo horumarka gobolka Gedo. Dhawr jeerna waxaa uu isku dayey inuu carqaladeeyo hay'ado horumarineed oo gobolka Gedo ka hawl gali lahaa.
Cirro oo noqday Haad geed uu ku dago waayey ka dib markii uu siyaasad ahaan isku dhereriyey ruug caddaa wax badan soo taagnaa, haystana kalsooni aad u badan, ayaa iminka noqday "Fidna walaha sanadka ee Gedo".
Waraaqaha been abuurka ah ee meelaha la wareegayana waa mid ay beesha SADE ka dheregsan tahay xaqiiqadooda. Waxaa la yaab igu noqotay markaan arkay isagoo leh "Aadan Madoobe" ayaa diiday maamul uu yeesho g/gedo, waa la yaabe damiir xumaa. Ma Aadan Madoobaa maanta quraan u meerin kara SADE. Damiirlaawe Cirro, waxaa looga fadhiyaa inuu faah-faahin ka bixiyo waxa ay tahay ujeedadiisa,.
Dibadu markay diriraan ee mid laga adkaado, laakiin kan kale uusan doonayn in uu dagaalka joojiyo, waxaa uu ku diriraa caasha, oo aan ognahay waxay celin karto. Waxaan kugula talinayaa inaad fidnada la soo dhaafto dadka tabaalaysan ee arimahooda ka tashanayo.
A. maxamed Barre
amBarre152@hotmail.com
Faallo: Cirro Aw-Xirsi oo caal ku dirir ah by Barre
Moderators: Moderators, Junior Moderators
- CoolPoisons
- SomaliNet Super
- Posts: 10533
- Joined: Sun Dec 16, 2007 7:23 am
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 5 Replies
- 1165 Views
-
Last post by xiimaaya
-
- 0 Replies
- 333 Views
-
Last post by SahanGalbeed
-
- 0 Replies
- 409 Views
-
Last post by CoolPoisons
-
- 0 Replies
- 410 Views
-
Last post by The`Republic
-
- 4 Replies
- 550 Views
-
Last post by Hidden_Treasure
-
- 9 Replies
- 893 Views
-
Last post by The Nomad
-
- 0 Replies
- 581 Views
-
Last post by CoolPoison
-
- 4 Replies
- 872 Views
-
Last post by sadeboi