Ciidamadda Amaanka Ee Degmedda Caabudwaaq Oo Maanta Soo Qab-

Dadka ku dhaqan ama ka imaaday gobolkan

Moderators: Moderators, Junior Moderators

User avatar
CoolPoisons
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 10533
Joined: Sun Dec 16, 2007 7:23 am

Ciidamadda Amaanka Ee Degmedda Caabudwaaq Oo Maanta Soo Qab-

Post by CoolPoisons »

Ciidamadda Amaanka Ee Degmedda Caabudwaaq Oo Maanta Soo Qab-qabtay Burcad Jidgooyooyin Dhigatay (Daawo Sawiradda)
Dec 24,2007
by C/Waaq-GEDO-NN
Waxay maanta soo qab-qabteen ciidamada amaanka ee degmeda Caabudwaaq, kooxo burcad ah oo jidgooyooyin dhigtay tuulooyinka Eelay iyo Duuban oo dhanka waqooyiga ka xiga Magaaladda Caabudwaaq.

Burcadda ay soo qabteen maanta ciidamadama amaanku ayaa ahaa 3 nin oo la soo qabtay ayaga oo isbaaro utaallo tuulooyinka aan soo sheegnay, ciidamadda ayaa markii ay soo qabteen Bucadda waxay soo dhex mariyeen Shaaraca Magaalada iyo dhammaan wadooyinka magaalada gudaheeda ah si ay dadka utusiyaan burcadda ay soo qabteen iyo sida ay gacan bir ah ugu qabanayaan dhamaan burcad kasta oo deegaanka Caabudwaaq amaandarro ka sameeya.

Wadooyina Magaaladda ayaa waxa soo buux dhaafiyay dadweyne aad u badan oo doonaya inay daawadaan kooxaha burcadda ee lasoo qabtay, waxaana dadweynuhu ku dhawaaqayeen erayo ay ku amaanayaan ciidamadda amaanka ee fuliyay arintaan dadku uriyaaqeen ee sugidda amniga.

Sidoo kale, waxay dadweynuhu ku dhawaaqayeen erayo ay ku caayayaan burcadda la soo qabtay, dhamaan dadweynaha ku nool Caabudwaaq ayaa arintaan maanta aad ugu farxay ayaga oo u arka in arintaani ay ka mid tahay fursadaha ay ugu hortagi karaan amaan darida deegaankooda ayna ku nabad galayaan dhamaan gaadiidka mara wadooyinka mara Caabudwaaq iyo nawaaxigeeda.

Tan iyo bishii september ee isla sanadkaan ayaa waxaa Caabudwaaq ka jiray Ciidan Amaanka aad usugayay kuwaasoo ay ku ciribtireen burcad ay u daadsanaayeen jidgooyooyin inta badan wadooyinka magaaladda soo gala, waxaana intii ay ciidamadaani hawl bilaabeen aad u wanaagsanaaday dhammaan nabadgelyadda guud ee Caabudwaaq.
User avatar
CoolPoisons
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 10533
Joined: Sun Dec 16, 2007 7:23 am

Re: Ciidamadda Amaanka Ee Degmedda Caabudwaaq Oo Maanta Soo Qab-

Post by CoolPoisons »

Wagerdha and Rer Bah Waalan need to join the Rer Siyad Husein security army in AbudWaq
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Provinces - Gedo”