\"Diyaaradii Lufthansa ee ey afduubteen kooxo Falastiiniyiin ah sanadkii 1977 kuna dajiyay caasimadda Somaliya ee Muqdisho ayaa waxaa iminka lagu wadaa in laga sameeyo dhacdadaasi Film lagu qarash gareynayo malaayiin dollar.
Filmkan oo ey sameynayaan taleefishinka Jarmalka ee lagu magacaabo ARD ayaa lagu sheegay in uu ku baxayo lacag lagu qiyaasay ku dhawaad lix milyan oo EURO, taasoo u dhiganta qiyaastii 7-milyan oo dollarka mareykanka ah
Souhaila Andrawes oo ah naagta kaliya ee ka nool kooxda afduubatay diyaaradan ayaa iyadu soo dhameysatay dhawaan xukunkii lagu riday ee ahaa 12-sano oo xadhig ah, waxa ayna iminka ku nooshahay dalka Norway oo ay ka heshay magangalyo siyaasadeed sanadkii 1991.
Diyaaradan Jarmalka laguna magacaabay Lufthansa \"Landshut\" ayaa markii la afduubanayay waxa ey siday 82-rakaab ah oo afar ka mid ah ey ahaayeen Falstiiniyiin ka tirsanaa ururka PFLP, kuwaasoo si dhuumaaleysi ah kusoo galiyay diyaarada bistoolado iyo baomboyin ey u isticmaaleen afduubka.
Marki ay diyaaradi mudo afartan mirir ku jirtay hawada ayaa waxa ay kooxdani lasoo bexeen hubkii u xaseysnaa iyagoo ku amrayay dadka rakaabka in ay gacmaha madaxa saaraan, cidii awaamirtooda u hogaansamina ay isla goobta ku toogan doonaan.
Afduubkan oo qaatay mudo shan cisho ah (13-18. Oktober 1977) ayaa soo maray marxalado kala duwan iyo waliba wadamo kala gadisan, waxaana ka mid ahaa wadamada lagu hagayay diyaaradda Italy (Roma), Larnaca, Cypros, Bahrain, Dubai, Aden iyo ugu danbeyntii oo lagu dajiyay Muqdisho, Somalia.
Filmkan oo iminka ka socda sameyntiisa dalka Marooko ayaa ula jeedka loogu dhigayo halkaa tahay in loo ekeysiiyo magaalada Muqdisho xag walba sida cimilada, carada, iyo eeraborka Muqdisho mid shabaha oo isna halkaa laga taagay.
Diyaaraddan ayaa ugu danbeyntii waxaa lagula wareegay iska-hor-imaad adag oo ay fuliyeen ciidamada gaarka ee Jarmalka GSG 9 kuwaasoo soo gaadhay Muqdisho kadib markii ay ogolaansho ka heleen xukuumadii barigaasi jirtay ee uu madaxda ka ahaa alaha u naxariistee marxuum Maxamed Siyaad Barre.
NEW HOLIWOOD MOVIE ABOUT SOMALIA\'S GONNA BE MADE
Moderators: Moderators, Junior Moderators
Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
- Hiiraan boy
- SomaliNet Heavyweight
- Posts: 4756
- Joined: Tue Sep 09, 2003 7:00 pm
- Location: California
- Twisted_Logic
- SomaliNet Super
- Posts: 12897
- Joined: Fri Aug 31, 2007 4:09 pm
- Location: Speaking up against Somalinet's tolerance for Al Qaida Loyalists
- Twisted_Logic
- SomaliNet Super
- Posts: 12897
- Joined: Fri Aug 31, 2007 4:09 pm
- Location: Speaking up against Somalinet's tolerance for Al Qaida Loyalists
Re: NEW HOLIWOOD MOVIE ABOUT SOMALIA\'S GONNA BE MADE
man watch how powerful somalia was. amazing days
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 8 Replies
- 721 Views
-
Last post by luis1
-
- 44 Replies
- 2040 Views
-
Last post by *OLIVE OIL*
-
- 3 Replies
- 330 Views
-
Last post by Qatar_isaaq_chick
-
- 41 Replies
- 2806 Views
-
Last post by Jamac_Yare
-
- 14 Replies
- 770 Views
-
Last post by mcali
-
- 37 Replies
- 2110 Views
-
Last post by Alphanumeric
-
- 8 Replies
- 635 Views
-
Last post by QansaGabeyle
-
- 0 Replies
- 403 Views
-
Last post by IRONm@N
-
- 16 Replies
- 1367 Views
-
Last post by Heidi_
-
- 0 Replies
- 410 Views
-
Last post by Amirsade