maxaa ka dhacay somalia wixii ka danbeeyay burburkii dowladdii uu madaxda ka ahaa Allaha u naxariistee madax weynihii somalia max\'ed siyaad barre ee 1991-dii-2007- Murugu iyo Baraaro. 31 Dec 2007
Posted to the Web 31 Dec 07, 11:08
wixii ka danbeeyay dowladdii uu madax weynaha ka ahaa allaha u naxariistee maxamed siyaad barre, dalka somalia waxa uu galay dagaal sokeeye ka soo galaaftay guud ahaan dalka somalia.
si kastaba ha ahaatee colaaddii abuurantay markii ay burburtay dowladdii somalia ee 1991-dii waxa ay ku soo biyo shubatay magaalada muqdisho oo ah caasimadda dalka somalia,
hase ahaatee colaadda somalia ayaa waxaa ka abuurmay niman hogaamiye kooxeedyo lagu magacaabi jiray oo sal dhigyo kasamaystay magaalada muqdisho kuwaasoo salka ku haya hab qabiil.
hogaamiyaashaan ka aas aasmay muqdisho oo mid walba uu ka soo jeestay goobaha ay ku badanyihiin beesha uu ka soo jeedo ayaa xasilooni u diiday dalka somalia, ayagoo is hor taagay madaxweynayaal soomaray dalka somalia oo uu ugu danbeeyay dr cabdi qaasim salaad xasan oo lagu soo doortay dalka Djabuti sanaddii 2001-dii.
hase ahaatee xilligii ay hogaamiyaashu ka jireen dalka somalia waxaa ka dhacay dalka somalia dhibaato aad u baahsan oo ay u gaysteen shacabkii somalia taas oo sababtay in dalku u fowdo iyo qas ku jiro muddo 17 sano ah.
waxaa sidoo kale la xasustaa in xilligaas casimadda muqdisho uu ka jiray wax loo yaqaano qadka cagaaran oo haddii la sii macneeyo ah yaan la igu soo xad gudbin halkaan aniga ayaa xoraystay, taasoo ay sameeyeen qabqablayaashii dagaalka ee ka abuurmay dalka somalia gaar ahaan caasimadda Somalia ee Muqdisho.
waxaa sidoo kale la ogyahay in intii ay jireen qabqablayaashii dagaalka la dilay aqoonyahannadii,wax garadkii iyo siyaasiyiintii caanka ahaa ee la is oran karay dalka iyo dadka somalia waxbay u qabanayaan, taasina waxa ay muujinaysaa in ay doonayeen in usan dalka somalai xasilooni helin iyo weliba qof aqoonyahana oo hogaamiya Somalia.
waxba waxbaa ka darane iyadoo ay guud ahaanba Somalia dhibaatooyin aad u badani kajiraan, ayaa la isugu tegay dalka Kenya halkaasoo la damacsanaay in lagu soo dhiso dowlad ay yeelato somalia,hase ahaatee nasiib darro waxaa halkaasi isugu tegay dad ubadan qabqablayaashii dagaalka oo la ogyahay waxa ay ka geeysteen dalka somalia.
si kastoy xaaladdu ahaataba waxaa halkaasi laba sano oo la fadhiyay lagu soo as aasay dowlad ka koobaan dagaal oogayaashii somaliyeed oo madax weyne looga dhigay cabdillaahi yuusuf axmed oo isagu qudhiisa qayb ka ahaaqabqablayaashii dagaalka isla markaana ka soo qayb qaatay burburkii dowladdii maxamed siyaad barre ee 1991-dii isla mar ahaantaana is hortaagay dowladdii carte oo uu madaxda ka ahaa dr cabdi qaasim salaad xasan oo lagu soo alkumay dalka Djabuti.
wax yar un kedib markii cabdilaahi yuusuf loo doortay xilka madaxweynenimada waxa uu billaabay isaga oo aan weli ku fariisan kursigii u mudnaanta u helay, in uu codsado ciidamo ka socda dowladaha Africa,gaar ahaan kuwa safka hore oo la ogsoonyahay 17-kii sano ee uu dalku fowdada ku jiray in ay si gooni gooni ah u hubaynayeen qabqablayaashii dagaalka si aysan marnaba u heshiin.
Balse waxaa isku khilaafay hadalka cabdillaahi yuusuf golihii xukumaddiisa oo xitaa dagaal gacanta ah iskula tegay taasina ay sababtay in ay ukala jabaan labo garb oo ay ukal guuraan magaalooyinka Muqdisho iyo jowhar.
18-kii bishii febraayoee sanaddii 2006-da, waxaa magaalada Muqdisho looga dhawaaqay urur la magac baxay la dagaalanka argagixisada iyo soo celinta nabadda oo ay ku midaysnaayeen hogaamiyaashii dagaalka muqdisho oo qaarkood waziirro ka ahaa xukumadda cabdillaahi yuusuf oo uu raiisul wazaaraha ka ahaa cali max\'ed geedi.
hogaamiyaashaasna waxaa ka mid ahaa Muuse suudi yalaxow oo ahaa waziirka ganacsiga,Max\'ed qanyare afrax waziirka arriimaha amniga, cumar max\'ed max\'uud(cumar finish), oo ahaa waziirka arrimaha diinta iy owqaafta iyo ciise caalim (bootaan) oo ahaa waziirka dhaqan celinta iyo hubka dhigista malayshiyaadka.
waxaa sidoo kale xilligaa ka jiray magaalada Muqdisho maxkamado kakala dhisnaa qaar ka mid ah degmooyinka Muqdisho.
Hase ahaatee maalin kedib markii lagu dhawaaqay ururkii ladagaalanka argagixisada waxaa billaawday dagaal u dhexeeyay ururkii ladagaalanka argagixisada iyo maxaakiimtii ka jiray Muqdsiho oo midoobay.
si kastaba dagaalkii oo socday muddo 4 bilood ah ayaa markii danbe waxaa ku gulaystay maxaakiimtii islaamiga.
markii laga guulaystay ururkii ladagaalanka argagixisada oo uu burburay isla mar ahaantaana ay qabqablayaashii isku bahaystay ururkaasi u midba meel uu u haajiray ayaa maxaakiimtii islaamigu waxa ay billaabeen in ay magaalada muqdisho ku soo celiyaan nabadii iyo kala danbayntii maadaama ay meesha ka bexeen dagaal oogayaashii qaska iyo qalalaasada ka waday muqdisho muddo 17 sano ah.
si kastaba waxaa magaalada Muqdisho muddo 6 bilood ah lagu soo celiyay sidii ay waa ahaan jirtay in kastoo aysan maxaakiimtii islaamiga ayan dhisin wadooyinka magaalada Muqdisho kuwaasoo uu ka muuqday burburkii ugu xooga badna maadaama aysan jirin wax dayac tiray wixii ka danbeeyay burburkii dowladdii max\'ed siyaad barre ee 1991-dii.
waxaa intii ay jireen maxaakiimta islaamiga lagu xasusan karaa in ay fureen dekeddii magaalada Muqdisho iyo garoonkii weynaa ee caalamiga ahaa, kuwaasoo ay billaabeen in ay ku soo xirtaan maraakiibta, kuna soo degaan diyaaradaha.taas oo ay ku diirsadeen dadkii reer Muqdisho oo ay gumaadka ku hayeen hogaamiyaashii haystay Muqdisho.
waxaa sidoo kale maxaakiimtu ay maamulkoodii gaarsiiyeen gobollo badan oo koofurta Somalia ah.
hase ahaatee cabdillaahi yuusuf oo madax ka ahaa dowladda taagta daran ee fadhigeedu ahaa magaalada Baydhabo ayaa billaabay qaylo dhaan uu u dirsanayo dowladaha Ethiopia iyo Marykanka, markasuu u arkayay maamulka maxaakiimta islaamiga mid dhibaato iyo dhabar jab ku ah maamulkiisa dhaafi la\' magaalada Baydhabo,taasina ay sababtay in ciidamada Ethiopia ay ku soo aruuraan gudaha Somalia.
hase ahaatee markii ay soo galeen ciidamada Ethiopia dalka Somalia, waxaa dagaal isaga hor yimid ciidamada Ethiopia iyo kuwa dowladda kmg ah oo isku dhinac ah iyo maxaakiimtii islaamiga Somalia, taasoo markii danbe looga guulaystay maxaakiimtii islaamiga oo uu gudoomiyaha u ahaa sh.Shariif sh.Axmed,waxaana markii ay meesha ka bexeen maamulkii maxaakiimta islaamiga dhex bartamihii sanaddii 200-da soo gaaray muqdisho qayb kamid ah dowladda cabdillaahi yuusuf oo ay gelbinayaan ciidamada Ethiopia, taasoo ay markii hore ka caaganayd.
hase yeeshee cabdillaahi yuusuf waxa uu filayay in wixii xilligaan ka danbaysa ay dowladiisu hor u kac samayn doonto maadaama ay meesha ka baxday falaartii wadnaha uga taagnayd.
waxaase soo baxay dagaalyahanno la magac baxay Al-shabaab oo weerar joogto ah illaa iyo iminka ku haya ciidamada Ethiopia iyo xukuumadda cabdillaahi yuusuf.
Soo gelitaanka ciidamada Ethiopia ayaa billaabay in ay xasuuq ba\'an ugaystaan shacabka Soomaaliyeed iyagoona bara kiciyay intii noolashooda ka badbaaday.
Xasuuqaan ay ciidamada Ethiopia ka wadaan dalka Somalia ayaa in dheer gardka Soomaaliyeed ee jooga qurbaha iyo kuwa dalka jooga ay ku macneeyeen aargoosi ay ka aar goosanayaan dagaalkii dhexmaray Somalia iyo Ethiopia taas oo ay ciidamada Ethiopa aad ugu hoobteen.
Isku soo wada duuboo, waxaan faalladayda ku soo gebagebaynayaaa miyaysan ahayn tan maanta ka taagan Somalia qisadii 3-dii dibi oo uu libaaxu u yimid ee uu marba mid cunay?
W/Q cabdillaahi cismaan maxamuud.
email:shuuke19@hotmail.com.
Xafiiska Cadaado.com Muqdisho soo gudbinta
maxaa ka dhacay somalia wixii ka danbeeyay burburkii dowladd
Moderators: Moderators, Junior Moderators
Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
- Hiiraan boy
- SomaliNet Heavyweight
- Posts: 4756
- Joined: Tue Sep 09, 2003 7:00 pm
- Location: California
- The_Emperior5
- SomaliNet Super
- Posts: 50031
- Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
- Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
- Contact:
Re: maxaa ka dhacay somalia wixii ka danbeeyay burburkii dowladd
war anaga somalia maxa naga gallay
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 3 Replies
- 426 Views
-
Last post by MenaceToSociety
-
- 4 Replies
- 462 Views
-
Last post by Transformer
-
- 11 Replies
- 766 Views
-
Last post by kambuli
-
- 11 Replies
- 825 Views
-
Last post by Sakhraan
-
- 1 Replies
- 419 Views
-
Last post by Enemy_Of_Mad_Mullah
-
- 0 Replies
- 280 Views
-
Last post by Sakhraan
-
- 2 Replies
- 395 Views
-
Last post by Mochahontas
-
- 6 Replies
- 636 Views
-
Last post by ruralboy
-
- 5 Replies
- 666 Views
-
Last post by Adali