MAXAD KA TAQAAN GOOBAHA DAL XIISKA EE GOBOLKA SANAAG????????
Sidaan dhammaanteen wada ogsoon nahay gobolka sanaag waxa uu leeayahay meelo aad u qurux badanb kuna suuban in dal xiis loo tago,meelahaas oo aad iyo aad utiro badan oo dhaqaale aad ufiicani dalka ka soo gelayo hadii la daryeelo.hadaba meelaha sanaag ugu qurux waxa ugu cansan afar goobood oo kala Daallo,Dayaanweyn, Dayaxa iyo Midhisho.
Hadaba waxa haboon inaan faah faahin ka bixinno meelaha ay ka kala dhacaan gobolka sanaag
DAA LLO: daallo waxa laga yaabaa inaan maqalnay in badan amaba aragnay.laakiin aynaan macluumad badan ka hayn.hadaba daallo waxa weeye buurta ugu quruxda badan dalkeena buurtan waxa lag arki karaa xeebta bada cas ee ku wareegsan sanaag oo dhan.daallo waa meel aad u qurux badan kuna cajeb galinaysa qofkastiba noloshiisa uu jecel yahay in uu cagaha dhigo, waxa kaloo kuu taan buurta ugu dheer cariga somaliyeed ama silsilada golis ee kasoo billaabanta dalka Ethopia,buurtaas oo magaceeda la yidhaah da SHINBIBIRIS
Waxaay magalo madaxda sanaag ka xigtaa xaga waqooyo,waxana loo kala socdaa muddo ka yar hal saac waxaad daalo kahelaysa kaymo aad u waaweyn iyo laagag dhaadheer,buurta daalo waxay ku caan tahay geed loo yaqaan dayibka,buurta daalo waxa bad qabsaday laba jeer inta taariikhda lagu hayo mar waxa uu aha xiligii dowldii hore, marka kalena sanadkii2004 sanadkan dhowayd waxa dhamaan dowlad iyo shicibba lagu baxay sidii loo damin lahaa dabkaas labilaabay kaymaha waaweyn ee buurta daallo kaas oo qaatay labo casho in dadka loo daad gurayo,xiligaas waxaan argaynay dadka oo xataa suuqa laga ururi naayo sidii loo damin lahaa masiibada ka hinqatay buurta, waxaan magaalada dhex deeda ka arkaynay qiiqa ka baxaya buurta oo na hadhayey, illahay galdii waxa lagu guulaystay maalintii labaad,daallo haatan waxa gacan wayn kagays tay ilaalinteed haayada candle light
DAYAANWEYN:
Dayaanweyn waa buur daallo ka xigta dhanka galbeed waxa mara toga dayaxa kataga waxaa ku yaal laaga ugu dheer buuraha sanaag wareegsan waxaad ku arki waxyaabaha ugu cajaabta badan ee laagani leeyahay waxa ka mid ah in xiliyada roobabku da,aan daadku ka dhacaayo uu daadka lagaas ka dhacayaa noqdo qiiq dherer ka ay dheer tahay awgeed, dayaan weyn waxay leedahay biyo wiyeen ah oo had iyo jeer joogto ah
Waxay magaalada ceergaabo kaxigtaa dhanka galbeed waxayna ujirtaa 50km waaxaa intaa dheer waxay leedahay meelo abaar iyo doog markastaba laacaysa oo aan waax bilicdarro ah marna laga dareemin
DAYAXA:
Waxa hubaal ah in aad dayaanka dayaxa ka maqasho daafaha dunida waayo, waxa ku taal jaamacadii aad ka uqiimaha bad nay ee (dayaha university) oo ka soo baxeen aqoon yahanno aad u tiro badan. Muuqaalka jaamacadii dayaxa aad uqurux badan oo walina dhismihiisii sidii sii yahay, dayaxa waxa ka dhiman rebeedhin yar , jaamacadu waxay ku taal meel saaxad ubalaadhan leh hareera oo dhanna ay ka xigaan buuro waxa dayaxa ku kulma laba tog oo mid biyo macaan yahay midna biyo qadhaadh yahay, dayaxa dhismihii muuqaal keedu ilaa hadda wuu ku cajab gelinayaa,
Dayaxa waxaa ay leedahay togag bixin ah, oo leh biyo habeen iyo dharaar soconaaya,waxa leedahay beero waawyn aad uqurux badan,waxay magaalo maxad ceergabo kaxigtaa dhanka galbeed
MIDHISHO :mishidho waxay ka qabataa magaala madaxda sanaag dhanka bari.waxay leedahay beero aad iyo aad uqurux daban bilicdoodu na meel dheer kaasoo jiidanaysdo waxa kaloo in taa dheer khudrada ka baxda oo mush ah aadna utiro badan,waxay kaloo leedahay biyo qulqulaya habeen iyo maalin,gu,iyo jiilaalna aan kala go,in waxaa intaa dheer ugaadhii dalka joogi jirtay oo ay wax ka sii hadh san yihiin,
Waxa diyaariyey
Cumar siciid nuur
Seeyo1@gmail.com
Ceergaabo sanaag Somaliland
Author: Sanaag.org
MAXAD KA TAQAAN GOOBAHA DAL XIISKA EE GOBOLKA SANAAG????????
Moderators: Moderators, Junior Moderators
Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 0 Replies
- 503 Views
-
Last post by alahdal
-
- 5 Replies
- 544 Views
-
Last post by barbarossa
-
- 0 Replies
- 8018 Views
-
Last post by FBISOMALIA
-
- 8 Replies
- 1057 Views
-
Last post by TheGrumpyGeeljire
-
- 2 Replies
- 637 Views
-
Last post by HooBariiska
-
- 15 Replies
- 2965 Views
-
Last post by Meyle
-
- 10 Replies
- 1068 Views
-
Last post by Siciid85
-
- 6 Replies
- 728 Views
-
Last post by LiQaaye_TDH
-
- 0 Replies
- 1695 Views
-
Last post by Bohol iyo karaman