Page 1 of 1

Ciidamo Itoobiyaan ah oo la go\'aamiyay in lagu xoojiyo Ciid

Posted: Tue Jan 01, 2008 5:49 am
by Hiiraan boy
Kulan balaaran ayay maanta isugu yimaadeen sarakiisha Ciidamada booliska dowlada Federalka Soomaaliya iyo wax garadka ku nool degmada Madiina iyo Ciidamada Cadawga Itoobiya ayaa ka dhacay Saldhiga Galbeed.



Kulanka oo ahaay mid xasaasi ah ayaa waxaa Shir gudoominayay Taliya K/xigeenka Ciidanka Booliska gobalka Banaadir G/lle Dhexe C/laahi Xasan bariise ayaa looga arinsaday sida laga yeelayo weerarada ay kooxaha Muqaawamnada somalia ku qaadaan saldhig Galbeed oo maalmihii la soo dhaafay sii kordhay.



Markii uu shirkii soo idlaaday ayaa waxaa saxafadda la hadaly Col. Barsiise isagoon waca ku maray in ay iska difaacyaan Kooxaha Weeraada kusoo qaado, wararka qaar ayaa sheegayo in Saraakiisha Ciidamada Itoobiya ay dhawaan Ciidamo Itoobiyaan ah kusoo xoojinayaan saldhiga Galbeed si ay uga difaacaan kooxaha xaq-u dirurka ah.



Kulankan deg dega ah ayaa yimid kadib markii Xalay dagaal adag Ciidamada boolisku lagleen xoogaga Muqaawamada Soomaaliya,dadka deegaanka ayaa noo xaqiijiyay in weerarkii xalay lagu dilay Ciidamo Boolis ah oo aad ubadan.



Xafiiska Cadaado.com Muqdisho