Mareekanka wuxuu arkaa kacdoonka Muqdisho oo ku faafaya Soma

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
User avatar
Hiiraan boy
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 4756
Joined: Tue Sep 09, 2003 7:00 pm
Location: California

Mareekanka wuxuu arkaa kacdoonka Muqdisho oo ku faafaya Soma

Post by Hiiraan boy »

Waxaa si xoog leh ku socda xawaaraha uu ku faafayo kacdoonka Muqdisho guduha gobollada Somalia. Kacdoon kan waxaa sabab u ah gumeysi diidnimo; difaaca dhanqanka iyo diinta iyo waddaniyad salka ku haysa geyigii Somalia oo cadaw taariikhi ah soo weeraray. Somali badan ayaa arrimuhu guntooda inay sidaas tahay arka; dad kaas ayaa iska caabinaya gumeysiga Ethio/Amerikaanka ah oo isku bahaystay inay xaqiraan shacabka Somaliyeed, gaar ahaan kan Muqdisho.

Dagaal iska caabinta ah (muqaawamada) wuxuu ku baahayaa Soomaliya. Muqdisho waa meesha uu ugu xoog badan yahay; waana ubucda halganka Somalia. Magaalooyin waaweyn ayaa ku soo biiray halganka hubeysan; waxaana ka mid ah Baydhaba, Buulo Burte, Beled Weyne, Waajid, Guriceel iyo maalmahaan dambe Boosaaso. Raggii horay loo caburiyay oo maamulka Cadde Muuse uu la dagaalamay ayaa dib hubkooda u soo qaatay. Waxaa Boosaaso ka bilaabmay \"ku-dhufo-ee-ka-dhaqaaq\" hawl-gallo ah.

Kacdoonka karaariyay wuxuu ku qasbay dawladda Mareekanka inay dib uga fikirto istratejiyada ay isticmaalaysay. Waxaa u soo baxday in Ethiopia ay sii joogi karin Somalia. Waxaa kaloo u soo baxay in xubnaha muqaawamada iyo mucaarad ka laga qeyb geliyo xukuumadda cusub. Haddii aan sidaas la sammaynin Somalia ma degayso. Waxaa kaloo muhiim ah in ciidanka Ethiopian ka laga saaro Somalia dhammaan ahaan. Xal siyaasadeed ayaa wuxuu ku jiraa in mucaaradka lagu soo dabaalo xukummadda iyo in ciidanka Ethiopian ka laga bixiyo geyiga Somalia.

Faafka kacdoonka waxay guul weyn u tahay shacabka Somaliyeed oo iska diiday gumeysi; diyaar na u ah inay aayahood ayaga oo keli ah ka tashtaan.

ina iikay; Markacadey.net
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”