Sannad ka 2007 waa astaanta burburka Muqdisho. Sannad ka wuxuu ku billaabmay dagaal culus ay soo qaadeen ciidanka Ethiopia oo ay garab siinayaan ciidamada badda iyo cirka Mareekanka. Ciidamada Ethiopian ka iyo Mareekanka duqayn tooda waxay gaartay min Bandiiradley illaa Xamar iyo Buur Gaabo, Ras Kiyamboni iyo Dhoobley. Diyaaradaha Mareekanka, nooca AC-130 iyo helicopterada hubaysan waxay burburiyeen dad, duunyo iyo tuulooyin ka ugu fog dhinaca koofurta Somalia.
Haddaan Muqdisho u soo laabto, Muqdisho waxaa lagu garaacay madaafiicda infaantriga ee dhuumaha waaweyn, madfaca BM-21 ee Kityusha ha, iyo hoobiyeyaal nooc kasta leh. Waxaa wehliya arrintaas inay xasuuq toos ah dad keeda loo geestay marar kala duwan. Waxaa lagu qaaday dagaal ay ka hawl-galeen ciidan ka badan 32,000 oo noocyo kala duwan leh. Dagaal kan waxaa ku dhintay dad ka badan 10,000; waxaana ku dhaawacmay dad gaaraya 30,000 - 40,000. Waxaa lagu qasbay inay qaxaan dad ka badan 1 milyan oo badan kooda noqday kuwa wadanka meelo kale ka degay (internally displaced people); meesha 20 kun dad ay ku gaareen qaxootinimo Kenya, Jibouti iyo Ethiopia. Dad ka qaarna waxayba tageen Europe, Carabaha, China iyo Malaysia.
Duulaanka Ethiopian/USA ka hor, Xamar waxay lahayd waxbarasho aad u fiican. Waxaa ka jiray dugsiyo hoose/dhexe ka badan 150; dugsiyo sare gaaraya 35, macaahidyo dhan 15 (waxaa ka mid ah SIMAD iyo machadyada \"nursing\") ka iyo Jamacado gaaraya 8 (ayna ugu waaweyn yihiin Jaamacadaha Muqdisho iyo Banadir). Banaadir waxay tahay Jaamacadda keliya oo bixisa Engineering iyo Medicine. Jaamacadahaas badan kood waxay xiriir wada shaqeyn lahaayeen Jaamacadaha Kenya, Sudan, iyo Malaysia. Dhisma- yaasha waxbarashada badan kood 93 - 95 % way burbureen; ama waxaa laga dhigtay fariisimo ciidamada Ethiopian ka. Macallimiinta way qaxeen, qaarna way dhaawacmeen; qaarna way dhinteen.
Dhinaca caafimaad ka, Muqdisho waxaa ka jiray 15 Isbitaal, ama kilnikyo. Badan kood way burbureen. Waxaa ka haray xoogaa 3 ama 4 oo aan si xoog leh u shaqaynin. Taqaatiirta, kal-kaalayaasha iyo shaqaalaha kale ee caafimaad ka dhammaan waxaa aafeeyay dagaallada.
Sidaas oo kale waxaa noqday khadamaad yada shacbiga ah sida isgaarsiinta (teleefoonada, mobile da, internet ka), shirkadaha xawaaladaha iyo qalabka mediyaha sida TV, radio yaasha iyo jaraaidka ka. Waxaa la xakameeyay oo la kontrollaa hawlahooda oo dhan. Waxaa soo haray baahinta wararka qaabka web-site yada laga maamulo dibadda oo aan waxba laga qaban karin.
Sannad 2007 waxuu ku tilmaaman yahay sannad kii burburinta iyo xasuuqa Xamar. Waa sannad kii cadow Somaliyeed, mid Ethiopian ah iyo mid gaal-caddaan ah ay isugu bahaysteen inay xaqiraan shacabka Muqdisho. Wixii Xamar ku dhici lahaa way dhaceen; wax u harsan ma jiraan. Dadkuna waxay u kala qeybsamaan dad u arka guul iyo dad u arka baaba\'; waxayna ku xiran tahay sida ay Somalida u kala qeybsan tahay!!. Hasayeeshee taariikhdu ayaa kala saari doonta maalin maalmaha ka mid ah.
ina iikay; Markacadey.net
2007 - The Year of the destruction and Genocide of Mogadishu
Moderators: Moderators, Junior Moderators
Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
- Hiiraan boy
- SomaliNet Heavyweight
- Posts: 4756
- Joined: Tue Sep 09, 2003 7:00 pm
- Location: California
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 9 Replies
- 1916 Views
-
Last post by paperino
-
- 1 Replies
- 430 Views
-
Last post by Octavius
-
- 2 Replies
- 340 Views
-
Last post by union
-
- 26 Replies
- 2213 Views
-
Last post by XimanJaale
-
- 2 Replies
- 409 Views
-
Last post by KIYANS BACK!
-
- 6 Replies
- 392 Views
-
Last post by Shani_can
-
- 15 Replies
- 808 Views
-
Last post by BaByGaL_8701
-
- 68 Replies
- 3247 Views
-
Last post by Salahuddiin
-
- 5 Replies
- 842 Views
-
Last post by PINK_BUNNY
-
- 24 Replies
- 1224 Views
-
Last post by kambuli