Captain paddy ankunda oo la sheegay in la badalayo Captain
Posted: Wed Jan 02, 2008 3:52 am
Captain paddy ankunda oo la sheegay in la badalayo
Beerdhiga 02.01.2008 09:37
Captain paddy ankunda oo ahaa Afhayeenka ciidamada Uganda ee kusugan magaalada muqdisho ayaa lasheehay in looga yeeray dalka Uganda waxaana lahadal hayaa in laga qaadayo xilka afhayeenka ciidamada Uganda ee ku sugan Soomaaliya.
Afhayeenka ayaa mansabkiisa waxaa la sheegay loo magacaabayo maalmaha nagu soo aadan gaashaanle Felix Kulayigye oo ah mid kamid ah saraakiisha sarsare ee wasaarada gaashaan dhiga dalka Uganda.
Wargayska the monitor ayaa sheegay in Janaraal felix uu usoo anbabaxayo dalka Kenya oo lasheegay in uu ku qaadan doono duruus la xirirta arrimaha milatariga waxaana la filaya in uu noqdo hogaanka ciidamada M.Afrika ee kusugan Soomaaliya.
Dhanka kale waxaa wargayska the Monitor uu xaqiijiyay in mansabka Afhayeenka ciidamada Uganda ee ku sugan Soomaliya loo magacaabi doono Captain Brigye Bahoka oo isagu ahaa madaxii dhex dhexaadinta dowlada Uganda iyo kooxda mucaaradka ee LRA.
Ma jiraan ilaa iyo hadda wax war ah oo ka soo baxay Afhayeenka oo ku aadan in labadalayo iyo in kale, sidoo kale wargaysku ma sheegin sababaha keenay in afhayeenka laga qaado jagadan oo uu hayay tan iyo markii ay ciidamada Uganda cagaha soo dhigeen ciidda dalka Soomaaliya.
http://www.Beerdhiga.com