Ciidamaddii Saldhigga ku lahaa Xaafada Afrikan Villige oo xalay isaga huleelay
Beerdhiga 02.01.2008 10:12
Ciidamaddii DFKMG ah ee la shaqaysa gumaysiga Itoobiya oo fariisinka ku lahaa Xaafadda Afrikan Village ee degmada Hodan ayaa la sheegay in ay xalay maqribnimadii isga huleeleen goobtaas.
Ciidamadan oo fariisin ka dhigtay Xaafada Afrikan Village iyo goobo badan oo ka mid ah degmooyinka Hodan,Wardhiigleey iyo Yaaqshiid kadib markii ay bishii November ee la soo dhafaay soogaleen ayaga oo kaashanay ciidamada gumaysiga Itoobiya waxayna sabab u noqotay in ay dadka rayidka ahu ka barakacaan dhamaan xaafadaha kala duwan ee dagmooyinkaas.
Cidamadan ayaa habeenadii lasoo dhaafay lagu qaaday weerarro aad u xoogan oo sababtay in ay soo gaaran qasarooyin fara badan waxaana la filayaa in ka bixitaankoodu uu la xiriiro cabsi ka soo waajahday weerarrada sida joogtada ah ay ula beegsanatyaa xoogagga Muqaawamada Soomaaliyeed.
Dhanka kale waxaa la sheegaya in ciidamada DFKMG ah ee la shaqaysa gumaysiga ee ku sugnaa goobtan ay isku dhaceen ciidamada booliska ah ee ku sugan Saldhigga Hodan taas oo sababtay in ay 2 askari ku nafwaydo midkalena uu ku dhaawacmo dagaalka dhexmaray 2 da ciidan ee ka wada tirsan DFKMG ah ee la shaqaysa gumaysiga.
Dadka rayidka ah oo horay u daganaan jiray Xaafadda Afrikan village iyo goobaha ka agdhaw ayay saaka u suurta gashay in ay soo fiirsadaan guryahoodii kuwaas oo ay horay ugu adkayd in ay arkaan guryahooda dhibaatooyin ay ciidamadu u gaysanayaan dadka rayidka ah awgeed.
Ciidamada gumaysiga Itoobiya iyo kuwa la shaqeeya ayaa boob iyo burburin ka gaysta xaafadaha ay soo galaan ayada oo aysan waxba uga tagayn dadka rayidka ah ee tabaalaysan waxayna isugu daraan Dil, Boob, kufsi, Xabsi, jirdil iyo gaboodfallo kale oo naxariis darro ah.
http://www.Beerdhiga.com
Ciidamaddii Saldhigga ku lahaa Xaafada Afrikan Villige oo x
Moderators: Moderators, Junior Moderators
Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
- Hiiraan boy
- SomaliNet Heavyweight
- Posts: 4756
- Joined: Tue Sep 09, 2003 7:00 pm
- Location: California
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 43 Replies
- 1941 Views
-
Last post by guryasame
-
- 5 Replies
- 863 Views
-
Last post by Mr Bill
-
- 2 Replies
- 530 Views
-
Last post by zingii
-
- 0 Replies
- 436 Views
-
Last post by MenaceToSociety
-
- 3 Replies
- 632 Views
-
Last post by UgaaskaBarakaysan
-
- 0 Replies
- 385 Views
-
Last post by Hiiraan boy
-
- 0 Replies
- 376 Views
-
Last post by Hiiraan boy
-
- 12 Replies
- 754 Views
-
Last post by DR-YALAXOOW