BREAKING NEWS FIGHT IN CADAADO BETWEEN DHABADHILIFS AND ICU

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
User avatar
Hiiraan boy
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 4756
Joined: Tue Sep 09, 2003 7:00 pm
Location: California

BREAKING NEWS FIGHT IN CADAADO BETWEEN DHABADHILIFS AND ICU

Post by Hiiraan boy »

War deg deg ah: Dagaal qaraar oo Maanta ka dhacay degmada Cadaado ee G/galgaduud dhimasho iyo dhaawac ka dhashay. 03 Jan 2008
Posted to the Web 03 Jan 08, 09:36
Wararka nagasoo gaarayo magaalada Cadaado ee G/galgaduud aya sheegayo in dagaal qaraar uu goor dhaw ka bilaawday bartamaha magaalada Cadaado, dagaalka oo ahaa mid aad u qaraar ayaa u dhexeeyay Ciidamada maamulka degmada Cadaado iyo Maleeshiyo la sheegay in ay kasoo duushay deegaanka Gelin-soor.


Waxaa la xaqiijiyay in dagaalkii Maanta barqadii ka dilaacay degmada Cadaado uu hada soo idlaaday waloow ay jiraan dhimasho aad ubadan oo ka dhalatay ilaa iyo 5-qof ayaa laxaqiijiyay in ay ku geeriyoodeen dagaalkii Maanta.


Sida uu sheegay gudoomiyaha degmada Cadaado Axmed Muxumed Dhimbil oo Cadaado.om u waramay, gudoomiyaha degmada Cadaado ayaa intaas ku daray in dagaalka uu soo qaaday Nin lagu magcaabo Daahir Shidane oo dowlada Federaalka Soomaaliya Mas\'uul uga ah gobalka G/gaduud, Ninkaas ayaa la sheegay in maalmihii lasoo dhaafay uu kusgnaa deegaanka Gelin-soo halkaas oo uu ku aruursanayay Ciidamo aad ubadan.


goob joogayaal kusugan gudaha degmada Cadaado ayaa sheegay in hada ay xaaladu qabowdahay waloow labada ciidan ay is dul fadhiyaan, Kooxihii Weerarka kusoo qaaday ayaa la sheegay in dib loo durjiyay waloow ay kaabiga ku hayaan magalada Cadaado.


Maalmihii lasoo dhaafay ayaa abaabul dagaal laga dareemayay deegaanka Gelin soor, Taliyaha Maleeshiyada weerarka soo qaaday Daahir Shidane ayay Dowlada Federaaka Soomaaliya u xilsaartay baahinta awooda dowlada gobalka G/gaduud balse ay dadka deeganku ay diidanyihiin.

warar xaqiiq ah ayaa sheegayo in dagaalku uuna sal kulahayn qabiil balse uu yahay mid lagu doonayo in Shacabka cadaado si qasab ah sanka looga geliyo Maamulka Dowlada Federaalka Soomaliya ee aan soomaaliya inteeda kale laga diidanyahay

Wixii kusoo kordho kala soco Cadaado.com .

Xafiiska Cadaado.com Muqdisho
User avatar
Murax
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 28303
Joined: Sat Dec 29, 2007 4:45 am

Re: BREAKING NEWS FIGHT IN CADAADO BETWEEN DHABADHILIFS AND ICU

Post by Murax »

"Ciidamada maamulka degmada Cadaado iyo Maleeshiyo la sheegay in ay kasoo duushay deegaanka Gelin-soor."


War nacas yahow 'ICUga" aad ku heynesid naga dhaaf.


Its Xaaji Salebaan Madobe and Sacad round 5. Cadde Muuse, probably gave arms to both and told them to go at it. Salebaan amaaba laga saara Gelinsoor entirely.

Waghardhac does not allow fighting in Gelinsoor and tells Madarkaris to take the fight outside, or face the consequnces, kkkkkkkkk.
User avatar
Hiiraan boy
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 4756
Joined: Tue Sep 09, 2003 7:00 pm
Location: California

Re: BREAKING NEWS FIGHT IN CADAADO BETWEEN DHABADHILIFS AND ICU

Post by Hiiraan boy »

murax adiga maxa ka galay afarahaan. maxa ka taaqana afaraha saleebaan iyo sacad.

its against SALEEBAAN DHABADHILIFS VS MAXAKIINTA

READ


Dagaal xoogan oo Degamada Cadaadeo ee Gobolka G/Gaduud ku dhex maraya ciidmada dowlada iyo kooxo taabacsan maxaakiimtii islaamiga.
Sh, M network 03 Jan 08, 03:53

Mogadishu 03, Jan. 07 (Sh.M.Network)- Dagaalo xoogan ayaa waxaa u magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud ku dhex maray ciidamada Dowlada Somalia iyo kooxo hubeeysan oo la sheegay in ay taabacsan yihiin maxaakiimtii islaamiga.



Dagaalkani oo la isku adeegsaday hubka nuucyadiisa kal duwan ayaa waxaa uu barqanimadii maanta abaaro 9:15 daqiiqo ka biloowday bartamaha magaalada Cadaado waxaan wararka ka imaanaya ay sheegayaan in markii danbe uu dalaagka u siqay dhanka galinsoor.



Dad ku nool magaalada cadaado ayaa shabelle u xaqiijiyay in ciidamadii dowlada ay ku hubeeysaanyee gawaarida dagaalka waxaan dagaal dheer kadib lagu qasbay in ay u siqaan dhanka deegaanka lagu magacaabo Bali Higis oo hoostaga degmada cadaado ee gobolka G/Gaduud ee bartamaha Somalia.



Dagalkani ka bilaawday magaalada cadaado ayaan la ogeeyn qasaaraha soo kala gaaray labada dhinca ee dagaalka uu ku dhexmaray,waxaana ay dadka deegaankaasi xaqiijinayaan in dhawaanahanba ay isku uruursanyeen magaalada cadaado taasoo dhalisay in dagaal ay kala hor yimaadaan ciidamada dowlada.



Waa markii ugu horeeysay ee dagaal ay kala hor yimaadaan ciidmada dowlada somaali maleeshiyaad taabacsan maxaakiimtii islaamiga ee ku sugan gobolada dalka tan iyo markii laga awooda roonaaday golihii maxaakiimta islaamiga ee ka ariminayay konfurta iyo bartamaha Somalia .



Dagaalkani ayaa weli socda iyadoo aan la ogaan kari qasaaraha soo kala gaaray labada dhinac waxaan idiin soo gudbin doonaan wixii ku soo kordha hadii uu illah idmo wararkeena danbe
User avatar
QansaGabeyle
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 14164
Joined: Wed Feb 27, 2002 7:00 pm
Location: Beled Xawo, Somalia
Contact:

Re: BREAKING NEWS FIGHT IN CADAADO BETWEEN DHABADHILIFS AND ICU

Post by QansaGabeyle »

I don't think anyone really cares about the TFG enough to fight for it. Same thing goes for the ICU. They are all out to settle scores.
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”